Shariif Xassan Sheekh Aadan oo la fillayo in uu booqdo magaalada Kismaayo

by admin | Saturday, Dec 27, 2014

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa la fillaya in uu booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubba oo uu hormuud ka yahay Axmed Max’ed Islaam [Axmed Madoobe]

Shariif ayaa sheegay booqashadiisa inay la xiriirto sidii uu ula shiri lahaa madaxda maamulka Jubbaland oo u ugu horreeyo madaxweyne Axmed Madoobe.

“Maamulka Jubbaland waxan nahay walaalo haddana daris ah,arrimo badan baa naga dhaxeeya,waxaanaShariif_Xasan_Shirka_Baydhabo booqanaya Kismaayo si an isku soo aragno madaxda sare,”ayuu yiri madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo maalmihiid dambe booqasho ku marayay qar ka mid ah deegaannada maamulka ayaa booqashadii ugu horreeysay ku tagaya Kismaayo,tan iyo markii uu hoggaamiye ka noqday maamulka.

Dhinaca kale,Shariif Xasan Sheekh waxuu maamulka Jubbaland ka socday in si caddaalad ah wax ugu qeybiso dadka deegaannada Jubbooyinka.

Waxuu maanta la shiray madaxweynaha Koonfur-galbeed Odayaashii taageerayay maamulka lixda gobol oo goobta ka sheegey in ay hadda taageersanyihiin maamulka seddexda gobol ee u hoggaamiyo.

Shariif Xassan Sheekh Aadan lagu tiriyaa in uu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu tunka weyn siyaasada Soomaaliya islamarkaana saameyn xoog leh ku leh dowladda hadda jirta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!