Shariif Xassan Sheekh” askari aan mishaar qaadan waa la og-yahay in uu dadka dhibaateynayo

by admin | Friday, Sep 11, 2015

Afgooye : HN :– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidammada guud ahaan marka la eego dowladda iyo kuwa maamul gobolleedka Koonfur galbeed ku shaqeynayaan daruuf adag.

Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay in guud ahaan ciidammada xoogga dalka qaadan wax mishaar ah muddo dheer, Speaker1isaga oo waliba sidda uu sheega ay intaa u sii dheertahay in qoyskiisa ama reerkiisa uu baahi uga soo tagay, taasi oo uu ku tilmaamay inaysan ahayn mid suuro-gal noqon karta.

Isgaoo sii hadlaya ayuu Shariif Xasan hadalkiisa ku daray in askariga haddii loo dhiibo qori isagoo baahan, taasi waxay noqonaysaa in uu quudkiisa ku raadsado, isgaoo sheegay in shacabkuna ay dhibaatooyin kala kulmaan askarta.

“Askari baahan oo Qori loo dhiibay wuxuu sameynayo waa la garanayaa, waxaa laga filayaa in dhibaato uu geysto oo keliya. Meel dheer ha aadin aniga haddii aan sidaas ahaan lahaa khalad inaan galo baa dhici lahayd,” ayuu yiri Shariif Xasan Sh. Aadan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa ugu baaqay Dowladda iyo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay Qarashaadka ciidanka u keeni lahaayeen, Dowladdana ay Ahmiyadda u siin lahayd ciidamada Amniga, Odayaashana ay kharash u soo ururiyaan ciidamada amniga sugaya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!