Shariif Xassan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo oo u dhoofay magaalada Addis Ababa

by admin | Wednesday, Feb 11, 2015

Baydhabo : HN :– Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Xubnaha wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan wasiirradiisa, isagoo mar uu ka hadlayay safarkiisa sheegay inuu dowladda Itoobiya kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriir dhinacyada ganacsiga iyo ammaanka oo si gaar ah u khuseeya maamulkiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay xukuumadda Addis Ababa ka codsanayaan sidii ay u taageeri lahayd maamulkiisa cusub ee Koonfur-galbeed2015211635592162109168249Shariif_Xasan_Itoobiya Soomaaliya oo dadaal ugu jira sida uu sheegay inuu Al-shabaab ka saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada uu ka taliyo.

Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa xilliyadii dambe waxaa ka socday kulammo ay yeelanayaan mas’uuliyiin ka socda Beesha Caalamka, hay’adaha sama-falka iyo madaxda maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, kuwaasoo looga hadlay sidii ay wada-shaqeyni u dhexmari lahayd.

Marka laga soo tago hadalka Shariif Xassan Sheekh Aadan dhab ahaan lama oga ujeedada rasmiga ah ee safarka uu ugu anbabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!