Shariif Xassan oo booqday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose

by admin | Saturday, Dec 20, 2014

Baraawe : HN :– Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.

Degmada  oo xarun u ah gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa la sheegay inay caasumad u noqon doonto maamula dhawaan la dhisay ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Wafdiga Shariif Xasan oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta maamulka galbeed ayaa diyaarad Helicopter ah ka soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo lagu soo dhoweeyay Baraawe.

Ku simaha guddoomiyaha degmada Baraawe,Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Shariif Xasan iyo wafdigiisa siShariif Baraawe diiran loo soo dhoweeyay, ayna u kala harin soo dhoweyntiisa dhamaan ururada bulshada rayidka.

Booqashadan oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa la filayaa in Shariif Xasan ugu kuur galo xaaladda Baraawe, halkaasoo horaantii bishii October lagala wareegay Al-shabaab.

Shariif Xasan oo xilka madaxweynaha maamulka Koofur-galbeed loo doortay bartamihii bishii November ayaa booqashadiisan ay tahay tii u horreysay oo uu ku tago Gobolka Shabellaha Hoose oo qeyb ka ah saddexda gobol ee uu ka kooban yahay Maamulka Koofur galbeed oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!