Shariif Xassan Sheekh oo khudbad u jeediyay shirka Baydhabo [Musharax ayaan ahay]

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Baydhabo : HN :– Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee saddexda Gobol, kaasoo berri loo balansan yahay in ergada u fadhisa shirkaas inay doortaan Madaxweyne.

“Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaa idinka codsanayaa inaad codkiina isiisaan, waxaa ku dadaali doonaa Cadaalad”ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkan uu waqti badan soo socday, isla markaana dadaal badan la geliay, isagoo ku dhawaaqay in hadii uu ku guuleysto uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horumarinta deegaanada maamulka iyo sidii dadka deegaanadaas uu cadaalad ugu fali lahaa.

“Hadii aad ii doorataan waxaa ka shaqeyn doonaan amniga, horumarka, ammaan haduu jirin dowlad ma jirto, ammaan haduu jirinShariif-Xasan-Sheekh-Aadan1 cibaado ma jirto, horumar ma jiro, iskuul lama aadayo, waxaa rabaa inaa ila shaqeysaan hadaa ku guuleysto, taladiina ayaa ku shaqeyn doonaa, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif Xasan oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dowladda Federaalka uu xiriir dhow ula yeelan lahaa, isla markaana aan la shaqeyn karin hadii aan xiriir la laheyn dowladda dhexe.

War saxaafadeed si wada jir ah todobaadkii hore uga soo baxay Madaxda dowladda ayaa waxaa muddo KMG ah lagu hakiyay shirkaas, inkastoo xubnaha ergooyinka iyo Gudiga farsamada aanay dheg jalaq u siin baaqa Madaxda dowladda.

Shariif Xasan ayaa la rumeysan yahay inuu taageero badan ku dhex leeyahay ergooyinka shirka maamulka koofur galbeed ka qeyb qaadaneysa, sidaas darteed markii horeba waxaa jiray shaki ku saabsanaa inuu musharax yahay, ayna u badan tahay in loo dooranayo xilka Madaxweynaha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!