Sheekada bixitaanka Amisom: Ninkii roon reerka ha u haro!

by admin | Thursday, Aug 21, 2014

Madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto Motende ayaa maanta shaacisay in ka baxayaan Soomaaliya sanadka 2016-ka. Waxaa muuqata maalmahan in DFS iyo ciidamada AMISOM ay doonayaan in dagaal xoogan ku qaadaan magaalooyinka ku haray gacanta Shabaabka, waxey sheegeen in sanadkan inta ka harsan dhamaan deegaanadaasi gacanta DFS loo gelin doono islamarkaana la xoojin doono tirada iyo tayada Ciidamada Xoogga Dalka,Gobolada aan dowlad gobleedyada laheyn loo dhisi doono kuwo KMG ah.

Sanadka 2015 wuxuu qorshuhu yahay in maamuul goboleedyada la dhameytiro ismarkaana la baahiyo maamul wanaaga iyo in la diyaariyo habkii doorasho ku dhici laheyd 2016.

Balse waxaa ii muuqda caqabadahan oo ay qaarkood adag tahay in si fudud loogu gudbo.

1. waxaa adkaan doonta in si fudud lagu ciribtiro Alshabaab sida laga arkay tabaha cusub ay ku dagaalanto kooxdan waayadan dambe oo ah in magaaladii lagu soo weeraro ka baxaan ayagoo fariisimo ka dhigto meelo aan ka fogeyn.

2. Waxaa is-horfadhiyo Kismaayo ciidamada Bare Hiiraale iyo maamulka Jubba taas oo caqabad ku ah maamulka Jubba inta aan la gaarinba Shabaab.

3. Baydhaba waxaa kuwa wada sugan ciidamo kala taageersan maamulada 3da iyo 6da oo laga yaabo iney is farasaaraan.

4. Shabeelada hoose waxaa ka socdo dagaalo beeleed mudo socday.

5. Beledweyne waxaa ka socda shirar lagu diidan yahay in gobolka Hiiraan lagu daro gobol kale, Dowladuna waxey dooneysaa in lagu daro Shabeelaha Dhexe.

6. Cadaado waxaa maalmaha soo socda ka furmi doono shir lagu dhisayo maamul goboleed ka kooban Mudug iyo Galgaduud kaas oo ay Puntland si adag uga soo horjeedo.

7. Puntland waxey xiriirkii u jartay DFS kadib markii ay ku eedeysay iney dhinac u xaglineyso maamulka Gobolada dhexe loo dhisayo.

Iyo kuwo kaloo badan.

Haddii ay AMISOM baxdo ayadoon  caqabadahaas la xalin makula tahay in dalku nabad noqonayo?

Ma  kula tahay in si fudud loogu gudbi karo isqabqabsiga siyaasadeed ee Federalka?

 

 

Faalada HiiraanNet

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!