Sheekh Bashiir” xildhibaannada waxaa uga digayaa in ay saliga nabiga ku qaadaan xarunta baarlamaanka

by admin | Monday, Nov 24, 2014

Muqdisho : HN :– Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee taageersan ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka in kulanka soo socda gudaha xarunta ku dhax digrin doonaan haddii la keeno mooshinka, taasoo shaki weyn abuurtay.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa uga digay xildhibaannada maanta damacsan iney saliga nabiga uga dhex qaadaan barlamaanka ineysan arrintaas sameynin oo ay ka feejignaadaan.

“Waa mamnuuc in meel fowdo ah nabiga scw lagu dhex qaado digrigiisa waana ka digeeynaa arintaas hadii aan nahay xildhibaanadaCulumada Soomaaliyeed “ayu yiri isagoo la hadlay warbaahinta gudaha Muqdisho Shiikh Bashiir ku sheegay.

Shiikh Bashiir Salaad ayaa intaa raaciyey in xitaa haddii ay wanaag ula jeedaan arrintaas ay noqoneyso in guddoonka barlamaanka uusan amusing karin iyagoo saliga nabiga qaadaya maxaa yeelay buu yiri waa waa ammaanta nabiga scw.

Baarlamaanka ayaa maanta u ballan-san inay dhagaystan mooshinka ka dhan ah ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda uu hoggaamiyo,si ay kalsoonida ugu qaadan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!