Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka soo badbaaday hotel Saxafi kana sheekeyay sidda ay wax u dhaceen

by admin | Sunday, Nov 1, 2015

Muqdisho : HN :– Sheekh Nuur Baaruud Gurxa oo ka mid ah hay’adda culimada Soomaaliyeed, ayaa ka mid ahaa dadkii maanta laga soo badbaadiyay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo ay weerar culus ku qaadeen xoogagga Al-shabaab.

Sheekha aya markii uu dibada uga soo baxay hotelka uga sheekeeyay qeybaha warbaahinta sidda ay wax u dhaceen iyo waxa uu dhagahiisa ku maqlayay.

Sheekh Nuur, ayaa sheegay in dableyda weerarka soo qaaday soo istaageen ilinka qolkii uu degenaa ballse aysan u suurtagalin in aybaaruud gudaha u soo gallaan qolkiisa.

Waxaa uu intaa ku darray markii uu salaada subax dukaday kadib uu damcay inuu seexdo, balse mar kaliya uu ka war-helay qaraxa, waxaana uu tilmaamay inuu sariirta ka soo degay, kadibna uu dhulka fariistay, isla markaana waxa dhacayay oo idil uu maqlayay, ilaa nimankii hubeysnaa ee albaabka qolkiisa taagnaa oo taleefano u soo dhacayeen, isla markaana xabado lagu soo tuurayay.

Sheekh Nuur Baaruud oo indhaha la’ ayaa sheegay in dableyda ay sheekeysanayeen, isla markaana isku dar daaramayeen inay rasaasta ka dhamaan oo ay yar-yareystaan, ilaa markii dambena oo ay dabaqa kore ka koreen, waxaana uu intaa ku daray in qolka ay ka soo wadeen ciidamada, waxaana uu Alle uga mahad celiyay naftiisa baaqi u sii ahaato, isla markaana uu sii wadayo waxa uu ugu yeeray dagaalka cadawga.

Dableyda weerartay hotelka ayaa dishay qar ka mid ah dadkii ku sugna gudaha hotelka, waxaana ka mid ahaa dadka ay dilleen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, Jen Dhagabadan, iyo Milkiilihii hotelka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!