Shidaalka Soomaaliya waxa uu beddelayaa sicirka saliidda ee caalamka haddii la soo saaro

by Yahye | Tuesday, Apr 15, 2014

Xeebaha Soomaaliya ee bad-weynta Hindiya ayaa loo badinayaa in ay ku jiraan kayd shidaal oo ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka . Khuburada dhinaca daraasaadka Juquraafiga ayaa tilmaamaya in balaayiin birmiil oo shidaal aan weli la taaban ah uu ku jiro badda iyo berriga Soomaaliya.

Sida uu qoray Strategic Intelligence, Dowladda Soomaaliya waxa ay shirkadda weyn ee British Petroleum heshiish kula gashay in ay baaritaan ku samayso shidaalka Soomaaliya, waxana ay shirkaddaasi sahmin doontaa gaaska iyo saliidda Soomaaliya.

Mareegta Strategic Intelligence waxa ay qortay jiritaanka kayd shidaal oo weyn oo ku jira Soomaaliya, kaasi oo beddeli kara sicirka adduunka haddii la soo saaro. Xog la helay ayaa muujinaysaa in gobolka Soomaaliyeed ee Puntland uu leeyahay 10 bilyan oo birmiil ama fuusto oo kayd shidaal ah , waxana taasi gobolkaasi ka dhigaysaa 20-ka waddan ee ugu sarreeya wadamada leh shidaalka.

Khuburo ayaa sheegaya in dalka Soomaaliya laga heli karo 110 bilyan oo birmiil oo saliid ah iyo 100 tiriliyan oo Cubic feet oo gaas ah.Waxana ay tani Soomaaliya awood u siineysaa in ay beddeli karto sicirka seyladaha adduunka.

Shirkad baaris ku samaysay ceelal shidaal oo ku yaalla Puntland waxa ay qiyaas ku bixisay in 4 bilyan oo birmiil oo shidaal ah laga helayo ceelesha iyo degaanada ay baaritaanka ka samaysay ee Dharoor, waxana shidaalkaasi uu qiimo ahaan u dhigmaa $500 bilyan oo dollar marka loo eego sicirka xilligan ee seyladaha adduunka.

Haddii la soo saaro, shidaalka Soomaaliya waxa uu soo gelayaa suuqyada addduunka, iyadoo Soomaaliya ay ka hormarayso wadamada Nigeria iyo Kuwait, waxSomali oilana ay geleysaa lambarka 7-aad ee wadamada ugu waaweyn ee shidaalka soo saara.

http://www.intelligencebriefs.com/british-firm-to-explore-somalia-billions-of-oil-barrels/

Danaha shidaaalka ee Britain ka leedahay Somalia

Danaha dhinaca shidaalka Britain ee Soomaaliya waxa uu dib u soo shaac baxay xilligii shirkii London ee loo qabtay dhinacyada Soomaalida iyo beesha caalamka bishii May sannadkii 2012ka, kaasi oo taageero loogu muujinayey Soomaaliya. Danaha Shidaalka ee Britain waxa ay ahaayeen kuwo qarsoon, waxana ay London ku doodeysay in taageeradeeda Soomaaliya aanay ku lamaanayn ujeedooyin dhaqaale.

Warbixino dhinaca war-doonka ah oo la helay waxa ay sheegayeen in dowladda Britain ay danaynaysay in ay hesho heshiisyo dhinaca shidaalka ee badda iyo berriga Soomaaliya ah. Dowladda Britain waxa ay heshiishyo la dooneysay shirkado dhawr ah oo waddankaasi laga leeyahay oo ay ka mid yihiin British Petroleum BP iyo Asante Oil.

Shirkadda British Petroleum BP waxa ay heshiish dhinaca shidaalka ah la gashay Dowladdii Militariga ee uu hoggaaminayey AUN Maxamed Siyaad Barre, laakiin waxa ay waddanka iskaga baxday markii ay dalka la wareegeen jabhadihii ay gar-wadeenka ka ahaayeen hoggaamiyayaasha Kooxaha.

Marka la eego xeerarka caalamiga ah, heshiishyadani weli waa kuwo sharci ah, waxana dowladda Britain dooneysaa in shirkadda BP ay dib u gasho Soomaaliya si ay hawlaheedii u bilowdo.

Cabdulahi Xaydar oo la-taliye sare dowlada Soomaaliya ugu ah dhinaca shidaalka , ayaa dhowaan shaac ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay meelmarinayso heshiishyadii hore ay dalka Soomaaliya uu la galay shirkadaha shidaalka ee shisheeye – ee ay ka mid yihiin , Royal Dutch Shell, Chevron iyo BP – oo haystay heshiishyo ka hor dagaalkii sokeeye.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in iyadoo la tixraacayo heshiisyadii hore, ay dowladdu wadahadal kula jirto shirkadahaasi si ay dib ugu soo laabtaan oo ay u sii wadaan hawlohoodii.

Robert Sheppard, oo ah maamulaha shirkadda shidaalka ee Soma Oil and Gas oo ay dowladda Soomaaliya la gashay heshiis ku aaddan sahminta shidaalka Soomaaliya, ayaa dhowaan sheegay in Soomaaliya ay muhiimad weyn oo dhinaca shidaalka ah leedahay, waxana uu tilmaamay in muhiimaddaasi ay xoojinayso shidaalka laga helay dalalka bariga Africa.

Maamulka Somaliland ayaa shirkadda Asante Oil heshiish kula galay Boloogga Nugaal ( Nugal Block). Boloogga Nugaal waxa aad ugu badan Hydrocarbon –ka, waxana imika baaritaan ku haya shirkadaha Horn Petroleum iyo Africa Oil, oo iyaguna heshiish kula galay maamulka Puntland.

Warar la helay ayaa xaqiijinaya in shirkadaha BP iyo Shell ay hindiseen in ay taageeraan mashaariic dhinaca shaqo-abuurka ah oo laga fulinayo xeebaha Soomaaliya si ay u adkaystaan danahooda shidaalka ee Soomaaliya.

Shirkadda Shell waxa ay Soomaaliya ka haysataa heshiis dhinaca sahminta shidaalka, waxana la qorsheynayaa in ay dalka dib ugu soo noqoto marka la gaaro 2015-ka, sida laga soo xigtay saraakiisha shirkaddaasi oo la hadlay Bloomberg.

Dowladda Britain waxa ay dooneysaa in ay si weyn u maal-gashato dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya, iyadoo ay kor u kaceen danaheeda dhinaca tamarata ee Soomaaliya.

Marka laga tago gobolada nabdoon, dhulka kale ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxa uu u muuqdaa mid aanay suuragal ahayn in xilligan laga sameeyo shidaal-baaris, laakiin waxa keliya ee la samayn karo ayaa ah heshiisyo la galo iyo dhul la sii qabsado si hadhow markii nabaddu timaado looga hawlgalo
Danaha Dowladda Britain waxa xooggoodu u muuqdaan kuwo dhinaca tamarta ah, inkastoo ay jirto in ay yara xiisaynayaan in ay maal-gashadaan dhinaca ammaanka ee dalka sida ay sheegeen dadka la socda arrintan , waxaana taa laga garan karaa ku-luglahaanshaheedda la dagaalanka Al-shabaab.

Khatar amni

Shidaalka ayaa lagu tilmaamaa wax halaag iyo barwaaqoba labada noqon kara, waxana tusaale loo soo qaadan kara in dalal badan ay ku barwaaqoobeen halka kuwo kalena aanay ku hodmin. Wadanka Nigeria oo ka mid ah dalalka ugu horreeya adduunka ee dhinaca dhoofka shidaalka ayaa waxaa la tilmaamay in lacagaha ka soo xerooda la musuqmaasuqo iyadoo aan dhulkii laga soo saaray waxba loogu qaban ama lagu celin, waxana taasi dhalisay dil iyo afduub lagula kaco shaqaalaha shirkadaha shisheeye. Waxaa xusid mudan sida saboolnimadu weli ugu sii baahsan tahay dalka Nigeria iyadoo dagaalada iyo xagjirnimada ka jirta waqooyiga dalkaasi ay ka dhalatay horumar la’aanta iyo gacan-bidixaynta degaankaasi.

Marka laga tago dhibaatada dhinaca ammaanka ee Al-shabab, waxaa suuragal ah in xitaa haddii la soo saaro shidaalka Soomaaliya ee aan si hufan loo maarayn ay ka dhalan karto khatar dhinaca amniga ah , maadaama dadku weli hubaysan yihiin.

Xilligan xaadirka ah, waxaa jira khatar weyn oo ka imanaysa Al-shabab si dalka looga fuliyo hawlaha soo-saaritaanka shidaalka. Iyadoo kooxdaasi xilli horeba ku hanjabtay in ay beegsan doonto hawlaha shidaalka ee Soomaaliya, waxana ay abaabuli karaan beelaha si ay uga horkeenaan dowladda iyo maamul goboleedyada, iyadoo dadka ku kicinayso “waxaa la dhacayaa khayraadkiinna”.

Ururka Al-shabab waxa uu ka hawlgeli karaa inta badan dhulka Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland. Al-shabab waxa ay joogitaan ku leeyihiin Puntland, waxana ay laayeen saraakiil iyo ciidan ka tirsan maamulkaasi, iyadoo ay taasi muujinayso in ay ku dhaqaaqi ka karaan hawlgalo dil iyo afduub ah sida wixii ka
dhacay gobolka uu shidaalku ka soo baxo ee Niger Delta ee waddanka Nigeria.

Ururka Al-shabab oo muddo joogitaan ku lahaa buuraleyda Galgala ee gobolka Bari waxa uu ku dooday in ay ka hortegayaan shirkadaha shisheeye ee doonaya in ay dhacaan khayraadka Soomaaliya. Waxaa muuqata in khatar dhinaca amniga ah oo ku imanaysa xitaa gobolada nabdoon, sidaa awgeed soo-saaritaanka shidaalka Soomaaliya waxaa weli ku geedaaman khatar dhinac aamniga ah.

Sidoo kale, muranka dhulka ee ay u dhexeeya maamulada Soomaaliya ayaa waxaa uga sii dari karaa shidaalka iyo heshiishyada iska horjeeda ee dhinac walba uu iskii u galay.
Heshiisyo is garab socda iyo mugdi sharciyadeed

Madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse Xirsi ayaa dareenka dadka Soomaaliyeed u duway dhinaca shidaalka ee waddanka, kolkii u sheegay in uu heshiisyo shidaal baaris ah la gelayo shirkado ajaanib ah. Madaxweynaha oo ka dhabeeyey go’aankaasi ayaa qandaraasyo shidaal baaris ah siiyey shirkadaha Range Resouce iyo Africa Oil.

Shirkadahaasi ayaa hawshoodi si habsami ah u bilaabay, waxana ay sahan ka bilaabeen Dooxada Dharoor ee gobolka Bari. Heshiishyadaasi ayaa waxaa ka hor yimi Xukuumaddii uu gar-wadeenka ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi, laakiin maadaama uu dowladdaasi madaxweyne ka ahaa asaasihii Puntland AUN Cabdilahi Yuusuf Axmed, ayaa lagu dhameeyey in Puntland ay ku sii socoto heshiisyada noocaasi ah ilaa inta laga hirgelinayo nidaamka Federaalka.
Puntland waxa ay ballaarisay dhulka laga baarayo shidaalka, iyadoo qandaraasyo shidaal-baarista ee Boloogga Nugaal siisay shirkadaha ajnebiga ah, waxana go’aankaasi ka hor yimi Somaliland oo khilaaf dhinaca dhulka ah uu kala dhexeeyo Putland.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland ayaa heshiish shidaal baarista ah la galay shirkado shisheeye oo ay ka mid yihiin Jacka Resources ASX, Asante Oil iyo Genel Energy. Waxana ay arrintani abuurtay xiiso ku aaddan u tartanka shidaalka Soomaaliya.

Dhammaan heshiishyadani waxaa galay qaybo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya , mana aanay saxiixin cid matalaysay Dowladda Dhexe. Marka laga tago Somaliland oo si hal dhinac ah u sheegatay in ay ka go’aday dalka intiisa kale, Puntland waxa ay iyadu ku doodeysaa in ay diyaar u tahay in Dowladda Federaalku kaalinteeda qaadato marka la hirgeliyo nidaamka Federaalka, lana meermariyo xeerarkii kala hagi lahaa awoodaha Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Doodda Puntland waa caddahay oo waxa ay dowladda dhexe ku xujeyneysaa hirgelinta nidaamka Federaalka oo ay Puntland taariikh ahaan dabada ka riixaysay, laakiin dowladda Federaalka ayey tahay in ay caddayso mowqifkeeda ku aaddan arrintan, inkastoo mararka qaar ay ka soo baxeen hadalo ay ku dureyso heshiishyada halka dhinac ah ee ay galeen maamulada ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maamulka Somaliland waxa uu u muuqdaa in uu qaadayo jidkii gobolka Kurdistan ee ku yaal waqooyiga Ciraaq, kaasi oo heshiishyo shidaal-baaris ah la galay shirkado shisheeye, waxana gobolkaasi uu iskii u dhoofiyaa shidaalka uu soo saaro, iyadoo ay ka hawlgasho shirkadda Genel Energy oo Somaliland laftigeeda heshiish la gashay, inkastoo dhowaan ay halkaasi ka daadguraystay shaqaalaheedii. Gobolka Kurdistan waxa uu khilaaf dhinaca shidaalka ah kala dhexeeyaa dowladda dhexe ee Ciraaq, waxana mid kan la mid ah la filayaa in uu dhex maro dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada Soomaalida sida Somaliland.

Arrinta sharciyadda mugdiga ah leh ee laga yaabo in ay khilaaf abuurto ayaa ah heshiishyada is garab socda ee ay galeen maamulada Soomaalida. Waxaa intaasi dheer, Maamulada Puntland iyo Somaliland oo u shaqeeya hab madaxbanaan waxa ay shirkado shisheeye siiyeen dhul xilligii hore ay dowladdi militariga ee Soomaaliya siisay shirkado kale, waxana arrintani abuureysaa muran dhinaca sharciyadda ah.

Dhinaca kale, xilliyadii ugu dameeyey waxaa jiray khilaaf u dhexeeyey Kenya iyo Soomaaliya oo ku aaddan ku-xadgudubka Kenya ee 4 Boloog oo shidaal oo ku yaalla dhulka bad-weynta hindiya ee koonfurta Soomaaliya oo Kenya ay siisay shirkado Faransiis iyo Talyaani ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in tallaabadaasi ay liddi ku tahaya Sharciga Badaha ee Qaramada Midoobey ee 1982-dii. Khilaafkan waxa uu ka dhalanayaa fidinta xuduudka badda ee Kenya, waxana Kenya ay fidisay xuduudka badda ee xagasha ah ee labada dal.

Gabagabadii, iyadoo Soomaaliya ay ka soo baxayso khilaaf iyo dagaal, waxaa la hubaa in qola kasta oo shisheee ah ay dooneyso in ay danaheeda dhex-gashato Soomaaliyada berri. Wadamada derisku waxa ay doonayaan in ay qaabeeyaan Soomaaliyada mustaqbalka si aanay iyaga dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba khatar ugu noqon.

Shirkadaha shisheeye iyo wadamadoodu, gaar ahaan kuwa reer galbeedku waxa ay doonayaan in ay dhaqaale ka sameeyaan Soomaaliya, maadaama khayraad badan uu ku jiro Soomaaliya, muhiimna ay tahay meesha uu ku yaallo dalka Soomaaliya.

Qaybaha kala duwan ee Somaliya iyo goboladu waxa ay leeyihiin dano kala gaar ah, laakiin waxa muhiim ah in la ogaado in danta Soomaaliya oo mid ah oo ku dhaqmaysa nidaam siyaasadeed oo lagu heshiiyey, lana xaqdhawrayo cid kasta oo dalka ka mid ah ay tahay danta guud ee u adeegaysa maslaxadda qof walba iyo qarankan weyn ee Soomalaiya. Danta gobolka iyo tan reerku waxa ay u adeegayaan kuwa ka horjeeda Soomaaliya ee doonaya in ay muddo dheer ay Soomaalidu iyaga marti u sii ahaadaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa la gudboon in ay ilaaliso sharciga, midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya, islamarkaasina qaaddo tallaabo kasta oo ay ku difaacayso qaranimada iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa sharciyadda caalamiga ah ee ay haysato.

DHAMAAD

Cabdirashiid Muuse Siciid
Qoraa, lafa-gure siyaasadeed iyo saxafi Soomaaliyeed oo madax-bannaan oo fadhigiisu yahay Muqdisho
Waxaa Lagu gaari karaa:
Email: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter:@AbdirashidMuse
Mogadishu-Somalia

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!