Shiicada iyo Wahaabiyadda yaa Soomaali u daran? WQ: Bashiir M. Xersi

by Yahye | Monday, Jul 8, 2013

Shia WahabiDadku waa AB ama HABAR wadaag (BAH WADAAG)  mar waa HADAL ama HAYB wadaag (HIDDE WADAAG), mar waa HAWL ama HAB wadaag (HINDISE WADAAG), mar waa AQOON ama AQOOL wadaag (ARAGTI WADAAG) mar waa DHIIG ama DHALMO wadaag (DHAQAN WADAAG) MUUQ iyo MUUQAAL wadaag(MIDAB WADAAG).

Si ka jilicsan haddaan u dhaho, Dadka dunidan dulsaaran waxaa lagu kala soocaa Af iyo Addin. Micnaha waxaa lagu kala saaraa dhawaq iyo dheeh. Haddaan si kale u dhaho, waxaa lagu kala duwaa dibna hadal iyo duud heeryo. Dabcan, deegaan dayran iyo dabeecad dadnimo ha daleel marin. Xeer beegti, xukun dhigan, xeyndaab xiran iyo xuduud xeeranna xaf ha uga gudbin.

Dhanka kale, dadku waxay wadaagaan DIIN iyo CAQIIDO ama MABDA’ iyo FEKER, labada hore, waxay ku daaban yihiin sida iska cadba IIMAAN EEBBE iyo RUMAYN ILAAH, keenaysa falidda wixii ADDUUN kaa horjoogsanaya DAMBI, AAKHIRANA kaana dhawraya CIQAAB iyo CADAAB. Waana midda aan qormada ku qaabin doono, anoon ku dheeraanayn.

Sidii Alshabaab (garabka hubaysan ee Wahaabiyadda) looga itaal roonaaday, ayaa waxaa soo baxaya khilaafyo xooggan oo u dhexeeya, heer ay iskhaarijin ka dhex billaabatay. Ha la yaabin, maxaa yeelay, Soomaalida ayaa hore u tiri: “LABADII LAQDABO KU HESHIISA, LILLAAHI AYEY KU DIRIRAAN!

Sidii Xasan Daahir oo naf la caari ah uu isugu soo dhiibay Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, haddana, isagoo jujuuban uu Xamar joogo, ayaa waxaa soo baxaya farriimo dhiillo iyo xambaarsan dhaleecayn, oo ku wajahan dal iyo dad gaar ah, maxaa yeelay, maadaama ay iyaga ka dhex tolantay, dagaalka waa in dhan kale loo jeediyaa, waa istiraajiyad lagu hago dagaalka, [inta gacalkaa is gowrici lahaa, nacab kale ayaa gondaha loo galshaa (Dhoofinta Qalalaasaha)].

Maalmahan waxaa mareegaha Soomaalida ku soo badanaya warar, qoraallo iyo falanqayn ku aaddan arrin ku cusub dhagaha iyo maqalka Soomaalida. Gadaal waxaa ka riixaya dibna ka hurinaya raggii Soomaaliya ku soo halakeeyey DAGAALKII JIHAADKA (WAHAABIYA) iyo inta aan aragtida fog iyo fekerka toolmoon lahayn, ee marna CAADIFAD diimeeded ku raacaya, marna NACAYN aan jirin ku taageeraya, isu gaynse noqonaya ADDEECID INDHA LA’ iyo ARAGTI GAABAN.

Qolyaha tooshku ku shidan yahay waxaa la yiraa SHIICO, yaa shumaca ku ifiyey? Maxay uga dan leeyihiin? Horta aqriste, wararkan iyo qoraalladan ka hor, ma maqashay inay Soomaaliya joogaan SHIICO? Kaba muhimsane, maxaa kaaga baxay sheekadan la wado?.

Aqriste, weydiimaha inta ku quseeya aan kuu daaye, bal aan inta aad iga sugee warcelinteeda gudagalo. Inta aanan jawaabta kama dambaysta ah ku siin, waxaan doonayaa inaan war dheeraad ah ku siiyo, si aad xog-ogaal u noqoto. Sheekadan markii u horraysay waxay soo shaac baxday, ka dib markii ay  Dawladda Muslinka ah ee Iiraan ay qayb ka noqotay dawladihii Gargaarka la garab istaagay Soomaaliya, xilligii ay abaaraha xun ku dhufteen sanadkii 2011.

Waxay cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Dawladda Muslinka ah ee Iiraan Safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho bishii may ee sanadkii 2012, Safiirkan oo magaciisa la yiraa Makel Hussein Givzad. Maalintaa wixii ka dambeeyey, waxaa billowda garaaca gurbaanka SHIICADA, oo ay mar kale hor boodayaan raggii Soomaaliya magaca diinta ku gumaaday, af ama addin mid uun.

Marka laga soo tago, wararka ay meraagahan qoraan, oo ay hagaan dad aan magacooda oo saxan qori karin, oo aan lahayn aragti ama aqoon ay wax ku kala tifatiraan ama ku kala haadiyaan, ee wixii la sheegaba qora, iyagoon is weydiin waxani Soomaalida Dhaqan, Hidde, Af ama Diin wax ma u dhibayaan? Illeen intaa haddaan la dhawrin waa dabargo’e.

Wararka Mareegahan ay daabici jireen waxaa sii xoojiyey, ka dib markii uu ku soo biiray Garoonka Shiicada lagu far fiiqayo Maxamed Cabdi “Umal”  isagoo dhammaadki bishii Lixaad ee na dhaaftay MINABRKA uu colaadda Soomaaliya ka huriyo kaga digay wax uu ku sheegay “MAWJADAHA AFKAARTA SHIICADA!”.

Inta aanan falanqayn, horta Aqriste, ma taqaan Umal? Haddaad taqaan waaba taqaan, haddaadan aqoon, waa Xasan Daahir, oo aan QORI wadan, Xasanna waa Umal oo QORI sita. Si kale, Umal waa ninkii WARAABAHA XALAALEEYEY, qormadan bal isha mari:

http://bilediraac.wordpress.com/2012/08/30/umuloow-waraabaha-maxaa-xiga/

Haddaad baratay Umal, aan dib ugu laabanno waxa uu sheegay, isagoo yiri: “…Shiicaa soo gashay oo ooddeedii wadata…!” Marka laga soo tago inta eray Carabi oo aan dadku wada garanayn ee ku jiray Khubaddiisa, ayaa isweydiinta mudani waxay tahay Shiicada uu Umal ka digayo iyo Wahaabiyadda uu Afhayeenka iyo gar wadeenka u yahay Soomaali yaa u daran?.

Inta aanan ka jawaabin, anoo waaqica tusaalooyin ka soo qaadan doona, oo ay wali qaar taagan yihiin, ma ogtahay in Soomaali hore iyo hadda wali u joogaan SHIICO Soomaali ah? Micnaha in dalka Soomaaliyeed ay deggan yihiin dad Soomaali ah oo aaminsan Madhabka SHIICIGA ah? Haddaadan ogayn, haddaba, ogoow, maxaa yeelay waa dad wax ku leh dalka iyo dhulka, ciidda iyo calanka, lehna SUNNIGA Soomaaliga ah xaqa uu leeyahay.

In kasta oo aysan tiro ahaan badnayn, haddana, jiritaankooda in la ogaado waa muhim, maxaa yeelay waxaa meesha ka baxaysa dacaayadda raqiista ah, ee ay fidinayaan kooxaha Wahaabiyaddu, illeen ninkii quruummo ka hor Masaajidda ku lahaa degaanno Soomaaliya ka tirsan, ma ahan inuu maanta ciriiri ku dareemo xiriir Diblomaasi ee dhex maray Soomaali iyo Iiraan ama warxuma tashiilnimada Wahaabiyadda.

Soomaalidan SHIICADA ah, waxay deggan yihiin, o xarumo diimeed ku leeyihiin degmooyinka Xamarweyne, Waabari iyo Shangaani. Inta aan ku jiray diyaarinta qormada, ayaan baaritaan kooban ku ogaaday magacyada Masaajidda ay leeyihiin, balse, aanan u soo bandhigayn sababo la xiriira inaysan bartilmaameed noqon. Maxa yeelay farriinta ah in lagu JIHAADI karo si dadban way u baxday, kaliya waxaa dhimman middii tooska loogu fulin lahaa. Haddaad maqasho SHIICO ayaa Soomaaliya lagu dilay cidda dishay waad garan kartaa baan filaa, kaba muhimsane, cidda dilkaa sabab u noqotay ama fartay waad garan kartaa baan filaa.

Midda biya kama dhibcaankaa ayaa ah, Soomaali waxaa hore uga jiray dariiqooyinka SUUFIYADA iyo SHIICADA, oo iyagaa ku xoog badnaa dalka gees ka gees. Sidii ay u burburtay dawladdii dhexe ee dalka, waxaa iyana ku baahay oo sidii Daran dab qabsaday oo kalay u fiday manjadkii iyo mabda’ii Wahaabiyadda, iyagoo ku soo duggaalay laba qodob oo aan kala dicin, oo si weyn Soomaali u saameeyey, raad xoogganna ku reebay, oo kala ah:

1-    FAWDO: Maamul iyo maarayn la’aan, maadaama aan qaran iyo dawladi jirin.

2-    SABOOLNIMO: Maadaama aan dawladi jirin, ilo dhaqaalo iyo hay’ado shaqana ay meesha ka bexeen.

Labadan qodob waxay Wahaabiyadda u fududaysay inay Soomaali ka noqdaan dhaqdhaqaaq xoog dhaqaale iyo ciidan ba leh. Waxaad fiirisaa inta ay xarummo waxbarasho, caafimaad iyo cibaado ku leeyihiin, sidoo kale, waxaad eegtaa dhibaatada ay u gaysatay Alshabaab (garabka hubaysan ee Wahaabiyadda) Soomaalida, taa ayaana kuu caddaynaysa sida uu yahay xaalka Wahaabiyadda ee Soomaaliya.

Taa ka sokow, Wahaabiyaddu waxay naga soo galeen dhanka Sucuudiga, oo uu horjoogay ninka loo yaqaan: Maxamed Cabdil Wahaab “WAHAABIYA” kooxaha aragtidaa qaadatay waxaa nagala jooga ITIXAAD, ICTISAAM, AL SALAFIYA , AL SHABAAB IKK. Haddaba weydiinta ayaa ah: haddii Wahaabiya loo oggol yahay inay Waddankan joogaan, maxaa keenaya in laga digo Shiico, oo ah dad dhaqan ahaan Soomaali uga asalsan Wahaabiyada?! Ma garan.

ASHAHAADO beenoo

Afka laga yiraahdoo

Uurka aanan jirinoo

Dadka lagu ugaartoo

Ubad lagu gumaadoo

Ayeeyiyo cirrooliyo

Marrastiyo Awoowaba

Aan loo arxamahayn

Asluubtooda weeyaan!

Aqisrte, horta dadka maxaa ka dhexeeya? Maxayse wadaagaan? Taa ma is weydiisay? Hadday haa tahay waa tee? Hadday maya tahay, haddaba, maankaaga dib ugu laabo, ee warcelin soo diyaarso. Aniguse waan aan kuu sii hormsho, oo waxay wadaagaan shan arrin oo kala ah:

1-   Dhaqanka ama Hiddaha

2-   Afka

3-   Ciidda

4-   Calanka

5-   Diinta

Wixii intaa ka baxsan, ee aan ahayn BAH WADAAGTA aan sare ku xusay, ee leh,  DHIIG iyo DHALMO inta aadan ku hungoobin iska fiiri, illese laga yaabee inaad ka helin qofkee.

Anigu Rumayntooda dan gaar ah kama lihi Shiico iyo Wahaabiya, ee Shiico waa ila nooleed (ka Soomaali ahan) waligeedna dhib iima gaysan, kuwanse 20 sano oo ay bug nagu soo galeen inta ay noo gaysteen waligeen isuma gaysan! Aaminnada dan weyn iigama xirna, oo qofka ayaa xor u ah, diintaana sheegtay, balse, ninka aan nololna oo ogglayn, isna dhimasho u diyaar ah, Caasho iyo Cillaamo hadduu rumaysan yahay maxay kugu soo kordhin, oon dhib ahayn?.

Anigu qof walba oo Soomaali waxa uu aminsan yahay waa soo dhaweynayaa (kala duwanaasho la’aan nololi ma jirto!), waase inuusan qofna ku qabsin, dadkana baahi uga faa’iidaysan, kana lahayn dan siyaasaded iyo borobagaando ajande qarsoon! Sidoo kale, SHIICO, QAADIYARA, AXMADIYA, SAALIXIYA, WAHABIYA iyo Madhab walba oo dalka iman doona, ama diimo kale quseeya waxaa iiga muhimsan, in dadkeenna wada noolaashada qaataan! Illeen kaa ayaa horumar lagu gaari karaaye!

Taa haddaad ila garatay, aan mid kale kuu raacsho, horta nimankan laga digayo ee Shiicada ah iyo Wahaabiyadda waxaa noo daran saacaddan la joogo iyo sanadihii la soo maray waa Wahaabiyadda. Maxaa yeelay, inta magaca diinta Wahaabiyaddu ku dishay haddii la garabdhigo inta Soomaali iska dishay intii ay jirtay waligeed kama dhiman.

Soomaaliyeey ninkii WARAABAHA waa XALAL yiri ayaa idiin joogaa ood wali SHEEKH u taqaannin, marka qof kale waxba ha u sheeginninee, waxaa idin ku habboon sidii Gorayadii oo kale inaad luqunta laaladisaan ama ciidda madaxa gashataan!

Midda kale, Mashruucan hadda ma billaaban, ee wuxuu soo shaac baxay berigii Abaaruhu ku dhuften dalka, oo wufuud Iiraan ay dalka talee, iygoo macaawino geeyey, hadda waxaa loo soo nooleeyey waa wafdi kale oo Xasan Sheekh la kulmay kaliya! Inta Xasan la kulanta kama duwanee, iyagu waa Shiica miyaa loo beegsanayaa (takoorayaa)? Waxaa oo dhan Wahaabiyadda ayaa wadda, ee inta caddaan la kulamaya maxay uga duwan yihin?.

Midda kale, ninkii noo gurmaday anagoo baahi la ildaran wax uunna noogu deeqay, maanta inaan ku colaadinno waxa uu aaminsan yahay ma naga mudan yahay? Waliba isagoo xayndaabka Muslinnimo nagula jira. Taa macnaheedu waxay tahay, ama GAAJO u DHIMO ama QARAXA iyo JIHAADKA  (QAXARKA SHABAAB) u DHIMO! Si kale, mar walba waa HA NOOLAAN!

Taa marka lagu fiirsho Shiicadu wax dhib ah Soomaali uma soo waddo, illeen dhaqan ahaan waa is yaqaannaan, balse, waxan balaayo la hullaaban oo indha shareerka lah, sidee loola dhaqmaa? Kaba muhimane, kuwan indha sarcaadka la taagan maalin caddeey ee waliba aan lagu sirmayn, illeen Soomaali wali kama soo kabsan dahaarradii ay gaysteen Wahaabiyadduye, sidaa awgeed, waxaa habboon inaan dadka la kala fogayn, ee la isku dayo sidii la isugu dumi lahaa.

 

Dadkii waa afduubeen

Afti waa u diideen

Arag waa ka duubeen

Maqal waa ka awdeen

Addin waa ka laabeen

Urtii kaba ilaasheen

Neecaaw udgoon iyo

Aariyo ka dhawreen

Oodeey u jiideen

Ka xireen albaabkii

Asqey nagu abuureen.

 

Madhabka Shiiciga iyo kan Wahaabiyaddu maxay is dhaamaan? Midna ogoow Soomaali hore waa u lahayd Shiico, waxay dhuumaalaysi galeen markii Wahaabiyaddu dalka ku xoogaysatay, ee markii hore Masaajiddo ayey ku lahaayen!

Dadka qaar ayaa waxay qabaan in labaduba ayey kala yihiin FIRCOON iyo HAAMAAN, haddaa maxay kuu kala dhaamaan? Si kale, waa BANSIIN iyo GAAS, ee kee dab u ruun? Hubaal in Soomaaliyana ay u baahan tahay DABDAMIN! Oo aysan u baahnayn Bansiinka Sacuudiga ama Gaaska Iiraan, balse, haddii garsoor caddaalad ah wax lagu goynayo, anaga (Soomaali) Shiico waxay noo joogtay in ka badan quruummo, marka cadaalad ma tahay in lala simo Wahaabiya shalay soo gashay?.

Baqdinta la qabi karo, ee qof walba oo Soomaali xalaal ah bogga uga taagan ayaa ah, Shiicadii hore noola joogtay waxay ahaayeen kuwa dhexdhexaad ah (qunyar socod), maxaa yeelay, maanta erayga dhexdhexaad waa ka baxay meesha, Wahaabiya dhiigya cab ah iyo Shiica xagjirayaal ah ayaa dunida Muslinka ku loollamaya, taa oo keenaysa in laga digtoonaado inaan noqonno meel lagu hadramo, asaanba noo yarayne!

Eeg waxa ka socda dalka Lebanon, Sacuudi iyo Iiraan ayey u kala xiran tahay, qolo kastaba culeyskeeda ayey ku leedahay, hubaal in dawladahaani u baahan yihiin garoommo cusub oo ay rabaan in ay cayaartooda geeyaan, waana midda aan u lahaa, waa in aan foojignaan weyn muujinnaa, maadaama aan nahay dal wali burbursan, oo aan qof walba oo imaanaya aannan haye dhihin waxa uu wato.

Hore ayaa Jihaadkii dalalka Carabta iyo qaraxyadii ka socday Waqooyiga Afrika loogu soo raray Soomaaliya, haddana filo haddaan laga digtoonaan SHIICO iyo SUNNI dalka dhexdiisa isku baacsanaya, haddaan farriimaha qaar lagu celin faraha soo diray, dadkana la dhihin ka fogaada FIDNADA, waa dhib cusub oo inagu soo fool leh. Allaw aday ku leedahay.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!