Shil baabuur oo sababay dhimasho in ka badan shan ruux oo ka dhacay dulleedka Muqdisho

by admin | Tuesday, Mar 17, 2015

Muqdisho : HN :–Wararka naga soo gaaraya deegaanka Lafoolle ee dulleedka Muqdisho ayaa sheegay in  shan ruux saakay ku geeriyoodeen tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu shil gaari ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkan ayaa ka dambeeyay markii ay isku dhaceen labo gaari oo kala ahaa gaari kuwa dadweynaha ee loo yaqaano hoomey iyo gaari kuwa xamuulka ee Soomaalida u taqaan N3.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga xamuulka ah uu ku dul fariistay gaariga dadweynaha ay saarnaayeen, waxaana ka dhashayGE DIGITAL CAMERA khasaaraha ugu badan.

Dad ku sugnaa goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in dhimashada ay ka badan tahay shan ruux, iyadoo gaariga laga soo saaray dad meyd ahaa oo lafahooda bur buray, sidoo kale dhaawacyo aad u daran ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina.

Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waana meel inta badan shilalka ka dhacaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!