Shil tareen oo khasaare ballaaran geystay oo ka dhacay dalka India [Sawiro]

by wadani | Sunday, Nov 20, 2016

India : HN :-Shil tareen oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa saaka ka dhacay dalka India, waxaana isa soo taraya wararka ku saabsan shilkan.

Tareenkan oo ay la socdeen boqolaal ruux ayaa la sheegay inuu wadada ka baxay, ka dibna uu rogmay xili uu marayey inta u dhexeysa magaalooyinka Patna iyo Indore oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh.

Ugu yaraan 90 ruux ayaa illaa hadda la xaqiijiyey iney shilkan ku dhinteen, halka 105 kale oo dhaawac ah la gaarsiiyey goobaha caafimaadka, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimashada saacadba saacada ka dambeysa.

Ciiidanka Booliska iyo shaqaalaha gurmadka ayaa gaaray goobta uu tareenkan ku qalibmay, iyagoo dadka soo saaraya burburka tareenkan oo sida la sheegay ahaa mid aad u dheer.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka isbitaalada la keenay ay xaaladoodu aad u liidato ka dib markii ay soo gaareen dhaawacyo aad u calculus oo u badan jajab dhinaca lafaha ah.

Masuuliyiinta wadanka India ayaa sheegay iney baarayaan sababta dhalisay shilkan oo ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara dalkaas in muddo ah.









 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!