Shir dhaxmaraya dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada dalka oo Garoowe ka furmi doona

by admin | Sunday, Apr 26, 2015

Garoowe : HN :–Maamul gobolleedka Puntland ayaa isku diyaarinaya qabashada shirka dowladda dhexe iyo maamullada ka jira dalka,kaaso ah wadatashiga labaad ee dhex maraya labada dhinac,maaddama wajiga koobad ee shirkan uu Muqdisho ka dhacay.

Qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lugu sheegay in dhawaan uu furmayo shirka,waxaana lafilaya madaxda faderaalka iyo maamullada dalka inay Garoowe soo gaaran dhammaadka toddobadkan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh la qorsheynayo in uu todobaadka [Maalinta Arbacada ah] tagoCoat_of_Arms_of_Puntland1 magaalada Garoowe, siddoo kale waxaa iyaguna halkaa gaari doona madaxda maamul gobolleeyada Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Shirka la fillayo in uu Garoowe ka furmo ayaa daba socda shir horay uga dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galleen mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo madaxda maamulada Puntland, Jubba iyo Koonfur galbeed, shirkaa oo aan lagu marti-qaadin maamulka Galmudug.

Saraakil ka tirsan dowladda ayaa u sheegay warbaahinta inta uu socda shirka in lugu gorfeeyn doono barnaamijka hiigsiga 2016-ka,waxaa ka hirgalay heshiiskii ay horay u gaareen federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah iyo hirgalinta qodobada dhiman.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!