Shir dib-u-hishiiis ah oo maanta ku furmay magaalada Beledweyne

by wadani | Thursday, Dec 24, 2015

Beledweyne : HN :–Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka furmay shir dib u heshiisiin oo loo qabtay beelihii dhawan ku dagalamay Xaafadda holwadaag ee Magaalada Baladweyne.

Furitaanka shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guudoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) Aagaasiimaha waaxda dib u heshisiinta Wasarada ariimaha gudaha iyo Federaalka Daahir Warsame Fiidow, Agaasiimaha waaxda Federaalka Cabdinasir Xaaji Maxamed odayasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo waxgaradka labada dhinac ee dhawan dirirtu ku dhaxmartay xaafadda holwadaag ee Baladweyne.

Agaasiimaha waaxda dib u heshiisinta Wasaarada ariimaha Gudaha iyo Federaalka Daahir warsame Fiidow (Areey) dib-u-heshiisin-Hiiraanxog.com-5ayaa sheegay shirkan dib u heshiiisiin loo qabtay labadii beelood ee dhawan dirirtu ku dhaxmartay xaafadda holwadaag ee Baladweyne islamarkana rajo wanagsan laga qabo in xal rasmi ah laga gaaro isago sheegay in wafdi ka socda dowlada federaalka uu hogaamainyo wasiirka aminga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ay ku guuleystay in heshiisi la dhax dhigo labada dhinac.

Sido kale agaasiimaha waaxda Federaalka wasarada ariimaha gudaha Cabdinaasir Xaaji Maxamed ayaa sheegay in labadii beelood ee dhawan diriritu ku dhaxmartay xaafadda Holwadaag ay diyaar u yihiin in xal laga gaaro colaadii dhaxmartay labada beelood ee wada dega galbeedka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Guudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba Geed) oo is rasmi ah uu furay shirka dib u heshiisiin ee loo qabtay beelihii dhawan ku dagalamay xaafadda holwadaag ayaa kula dardarmay labada dhinac in ay ka shaqeeyaan nabad islamarkana ay dhameeyn khilaafka ka dhexeya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!