Shir dib -u-hishiisiin ah oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Beledweyne [Sawirro]

by admin | Friday, May 1, 2015

IMG_0155Beledweyne : HN :– Shir dib-u-hishisiin iyo wadda-tashi isugu jira oo mudo dheerna qaban-qaabadiisa la wadday ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shirka oo uu si rasmi ah furay ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa goob joog ka ahaa

duqa Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim [Baadiyoow] xildhibaanno, siyaasiyiin xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, aqoonyahanno waxgarad , iyo shaqsiyaad ka yimid dalka dibadiisa oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirka ku sheegay in ka maamul ahaan soo dhaweynayaan shirka dib-u-hishiisiinta ah ee maanta furmay beellaha wadda dega gobolka, isaga oo intaa ku darray in dowladda looga baahan yahay in ay ku taageerto shirka kaalinta uga aadan.

10”Annaga ka maamul ahaan waan soo dhaweyneynaa in ay bulshada wada-hadasho, oo laga wadda shaqeeyo dib-u-hishiisiinta, dowladdana waxaan leenahay waa in ay qaadataa doorkeeda ku aadan shirka maanta halkan ka furmay ayuu yiri ku-simaha guddoomiyaha gobolka.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka nabadoon Axmed C/dulle Jimcaalle oo ka hadllay kulanka ayaa sheegay in mudo dheerba lagu howlanaa qabsoomida shirka, marar badan oo horena ay jireen kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah oo ay lahaayeen beellaha kuwaa oo loogu gogol xaarayay shirweynaha maanta furmay.,

”Shirka maanta furmay waxaa ku dhan oo jooga inta badan beellihii deganaa gobolka, inta aan wali ka maqan, waxaan leenahay waa gogol aad wax ku leedihii ka soo qeyb-galla, ra’yigiina iyo talladiina ayaa loo baahan yahay, ma’aha shir qolo gooni ah ay qabtay waa shir reer Hiiraan oo dhan u dhaxeeya ayuu yiri” nabadoon Axmed C/dulle Jimcaale.

Qaar ka mid ah ka qeyb-gallayaasha shirka oo halkaa hadallo kala duwan ka jeediyay ayaa dhamantood isku raacsanaa ka qeyb-galka shirka, iyo in beeluhu ka wadda hadllaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya, madaama wada hadalku mar walba fure u yahay hormarka iyo nabad-galyada bulsho deegaan ku wadda nool.

Shirka ayaa wajigiisa hore la sheegay in uu yahay shir dib-u-hishiisiin ah oo ay ku wadda hadllayaan beellaha, iyadoo intaa kaddibna looga gudbi doono wadda-tashi iyo dood la xiriirta mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka, madaama xiligan loo guurayo nidaamka is maamul gobolleedyada ama federaaliisam-ka.

9Jen C/llaahi Macalin  oo horay u soo noqday taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed oo madasha shirka ka hadllay ayaa ka sheegay in ammniga shirka ay sugayaan ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa.

865431211

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!