Shir Garoowe maanta uga furmaya madaxweyne Xassan Sheekh iyo hogaanka maamulada dalka

by admin | Wednesday, Apr 29, 2015

Garoowe : HN :– Waxaa lagu wadda in maanta si rasmi  ah uu uga furmo magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland shir ay ka wadda qeyb-gallayaan madaxda dowladda dhexe iyo hogaamiyayaasha maamulada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo maalintii shalay tagay magaalada Garoowe  ayaa lagu waddaa in uu shirka si rasmi ah u furo.

Kulanka oo looga hadlli doonaa dhameystirka maamulada iyo hirgelinta federaalka, waxaana shirka marka uu dhamaado laga soo saarayaa war murtiyeed ku quseeya xaalada Soomaaliya iyo sanadka 2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay ka sheegay magaalada Garowe in dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka ka jira ayGaroowe_Xasan_Sheekh_Shir ka arrinsanayaan sidii looga wada qeyb qaadan lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo in dalka Soomaaliya la garsiiyo isku filnaansho buuxa oo ay dadka oo dhan ku mideysan yihiin.

Shirkii hore ee Muqdisho ka dhacay ayaa ka soo baxay go’aamo la xiriira xoojinta kulamada wadatashiga, hiigsiga 2016, Cahdiga Cusub, isku dhafka ciidammada iyo arrimo kale oo khuseeya qaranimada dalka.

Madaxweynayaasha Maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa goor dhow la filayaa inay gaaraan magaalada Garowe, si ay uga qeyb galaan shirkan oo ah mid hal maalin ah.

Ammaanka magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo la dhigay wadooyinka, xaafadaha iyo duleedyada magaalada, waxaana magaalada laga dareemayaa is bedel ka duwan tii ay ku jirtay, maadaama ay marti gelineyso madax kala duwan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!