Shir ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose

by admin | Tuesday, Jan 20, 2015

Muqdisho : HN :–Shir looga hadlayo xulidda xubnaha baarlamaanka uu yeelanayo maamulka KMG Jubba ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Magalada Kismaayo ayaa waxaa lagu waddaa in ay gaaraan ma’uuliyiin ka socta dowladda federaalka iyo wakiillo ka socda IGAD iyo beesha caalamka, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Kismaayo ka socday kulammo looga doodayo qaabka loo soo xulayo xildhibaannadaMagaalada Kismaayo - Jubbada Hoose maamulka, waxaana la kala dooran doonaa in lagu soo xulo qaab deegaan ama mid beeleed.

Doodda ku saabsan tirada xildhibaannada iyo qaabka loo marayo soo xulistooda ayaa uga socota Kismaayo masuuliyiinta maamulka Jubba iyo waxgradka, iyadoo dowladda dhexe lagu wado inay dooddan ka qaybgasho.

Shacabka iyo mas’uuliyiinta maammulka KMG-ka ah ee Jubba ayaa u diyaar garow weyn ugu jira soo dhaweeyaan masuuliyiinta la filayo inay maanta gaaraan Kismaayo, si ay uga qaybgalaan shirka xulitaanka xildhibaannada maamulkaas.

Madaxweynaha maamulka Jubba, Sh. Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in howsha xulitaanka xildhibaannada maamulkan ay ka socoto Jubbooyinka, isagoo sheegay in laga doonayo odayaasha dhaqanka inay xildhibaannada soo xulaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!