Shir lagu faataxeystay in 23-bishan ka furmo magaalada B/weyne oo Muqdisho lagu soo gebo gebeeyey

by admin | Friday, Mar 20, 2015

Muqdisho:- HN:- Shir aad u balaaran oo aay ka soo qeybgaleen waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan loogana tashanayay mustaqbalka gobolka Hiiraan ayaa shalay lagu soo gebo gebeeyey magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa lagu goáamiyey in 23-bishan uu magaalada B/weyne ka furmo shirka mustaqbalka gobolka Hiiraan, waxgaradkii ka soo qeybgalay shirka ayaa waxay isla garteen siday u dhanyihiin in aay bariba u safran gobolka Hiiraan.

Qabaaílada degan gobolka Hiiraan ayaa dhamaan la sheegayaa in si gooni gooni ah horey isku arkeen, shirka 23-ka bishana loo balansan yahay dhamaan.

Kulankan oo ahaa mid lagu soo gebo-gebeynayay shirar hoos hoos uga socday magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn waxaa lagu soo dhameeyey in shirka B/weyne awooda Hiiraan leeysugu geeyo si mustaqbalka Gobolku u noqdo mid gooni u taagan.

Waxaa shirka sidoo kale goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaliya.

muq8

Muq6

Muq

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!