Shir lagu taageeray shirka B/weyne ka socda oo ka dhacay magaalada Stockholm, SAWIRO

by admin | Saturday, May 9, 2015

Stockholm: HN: Shir aad u balaaran oo aay ka soo qeybgaleen shacab aad u farabadan kaasoo lagu taagerayay shirka ka socda magaalada B/weyne ayaa maanta lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Shirkan oo aay soo abaabuleen jaaliyada reer Hiiraan ee wadanka  Sweden ayaa waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee wadankan.

Gudoomiyaha qabanqaabada shirka mudane Ibrahim Xasan Bashiir oo kalimad halkaa ka jeediyey ayaa marka hore uga mahadceliyey sida wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed u ogolaadeen ka soo qeybgalka shirkan, gudoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada kulankan aay tahay in la taageero nabada iyo gogosha taala magaalada B/weyne.

1

Gudoomiyaha ku xigeenka ururka isbaheysiga Soomaaliyeed mudane Gentelman oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sharafna aay u tahay in isagoo metelaya jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden inuu taageero shirka B/weyne ka socda.

Cali salaad oo ah siyaasi ka mida siyaasiyiinta Sweden ayaa dhinaciisa sheegay in dib u heshiisiinta aay tahay arin loo baahan yahay, kulankaana uu yahay mid si gooni ah u taabanayo maadaama aay dhibayso colaadaha Somaliya, shirka Hiiraan waxaan u rajeynaynaa guul ayuu hadalkiisa ku soo gebo gebeeyey.

Xildhibaan hore Cukaashe oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey kulanka wuxuuna sheegay in kulankan uu yahyay mid hiil u ah kulanka B/weyne ka socda ee nabada loogu hiilinayo.

Runtii shirka oo ku dhacay jawi aad u wanaagsan waxaana laga dheehan karay goobta iyadoo safka hore aay soo buuxiyeen waxgaradka dhamaan reer Hiiraanka degan wadanka Sweden waxaa sidoo kale goobta ka muuqday dadweyne aad u qiireysan.

2

5

3

4

7

8

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!