Shir looga hadllayay argagixisada oo ka furmay magaalada Garoowe

by admin | Tuesday, May 12, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, ayaa maanta ka furay magaalada Garoowe shirweyne lagu magac-darray ka hortagga argagixisada iyo is-taraatijayada dabargoynta argagixisa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.

Shirweynahaan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Culimo udiin isaga kala timi guud ahaan Dalka Soomaaliya , Wasiiro iyo xildhibaano katirsan xukuumadda Puntland , Golaha garsoorka Puntland, Waxgarad, Cuqaal, Isimo, gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland qeybtood, Haween, Dhalinyaro, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo Gobolada Puntland ka yimid.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa dawladda Puntland ku amaanay dadaalka horumarineed eecamamama ay ka gaartay ladagaalkanka Burcad diimeedka Al-shabaab, waxaana u shacabka ugu baaqay in dhankooda kamidaysnadaan la dagaalanka kooxdaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Camey oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha ayaa sheegay in muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto sidii loo dabar goyn lahaa Burcad diimeedka Ururka xagjirka ah ee Al-shabaab oo hada awoodoodu gabaabsi tahay, waxaana uu shacabka reer Puntland ku dhiirigeliyey in dadaalkooda ay ku diidan yihiin kooxdaasi laba jibaaraan.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!