Shir looga hadllayay arrimaha dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

by admin | Wednesday, Oct 14, 2015

Muqdisho : HN :–Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke ayaa soo xiray shir looga hadlayay arrimaha dastuurka oo muddo Sadex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasiradda arrimaha dastuurka  ee xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay  wasiirrada dastuurka ee   maamul goboleedyadda  ka jira dalka.

adfd-5Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaradda Dastuurka ee xukumaddda Soomaaliya  ayaa looga hadlay dar-dar galinta geeddi socodka  dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalkeena  iyo sidii maamul gobolyeedyadu ay kaalin ugu yeelan lahaayeen howlaha dib u habaynta dastuurka,

Mudane Xuseen Maxamuud Sh.Xuseen  wasiirka Arrimaha dastuurka ee xukumadda Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in 10 qobad ay isku  afgarteen ay  muhiim u tahay  dib u eegista dastuurka dalka .

Ra’iisal wasaaraha oo soo xirray shirka ayaa sheegay in dastuurka  dib u egistiisa lagu saleeyo in uu noqdo mid ka  shaqeeya horumarka iyo midnimadda ummadda Soomaaliyeed.

Shirkaan wada tashiga ah ee lagu soo gaban gabeeyey magaladda Muqdisho  oo ay isugu yimadeen  wasiiradda arrimah dastuurka ee maamul goboleedyadda dalka ayaa qayb ka ah  qorshaha la doonayo in dastuurka KMG ah looga dhigo mid rasmi ah oo uu leeyahay  dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!