Shir looga hadllayo ammniga dalalka bariga Africa oo ka furmay Nairobi

by admin | Tuesday, Oct 28, 2014

Nairobi : HN :– Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ugu qayb-galaya shir caalami ah oo looga hadlayo ammaanka iyo horumarinta dalalka ay Soomaaliya ku jirto.

Madax kala duwan ayaa lugu wadaa inay shirkan ka qayb-galaan,waxaana la sheegay mas’uuliyinta shirka ka qayb-galaysa inay ka mid yihiin,xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku mateli doona wasiirka arrimaha dibadda iyo maal-gashiga Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay shirka inuu yahay mid looga hadlayo ammaanka341x256xNairobi.jpg.pagespeed.ic.ucoqijJ6sQ (1) iyo horumarinta dalalka Bariga Afrika, iyadoo ay ka qaybgeli doonaan xubno ka socda dalalka, Jabuuti, Kenya, Itoobiya Koonfurta Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya.

“Shirkan waa mid caalami ah,waxaana ka qayb-galaya madax ka socota dalalka uu quseeyo,sidoo kale madaxda sare ee shirka imaanaysa waxaa ka mid ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoowe Ban ki-Moon iyo madaxweynaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo lagu magacaabo Edwin Limo.

Waxuu Edwin Limo in dalalka Afrika ee ay Soomaaliya ku jirto ay ay kusoo bandhigi doonaan shirka caqabadaha ka haysta xasillooni-darrada ka jirta dalalkooda.

Sidoo kale, ururka Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa inay iyaguna kasoo qaybgalaan shirka, si ay kor-joogto uga noqdaan waxa looga hadlayo shirka.

Afhayeenka ayaa xusay in kulanka si gaar ah diiradda loogu saari doono dhibaatooyinka ka jira dalal kala ah Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan oo ay colaado ka jiraan.

Maalinta berri ah oo ay ku beegan tahay bishan 29-ka ayaa ah markii xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inuu Muqdisho imaanayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Hiiraan Net.

 

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!