Shir looga hadllayo arrimaha cadaallada oo maanta ka furmay Muqdisho

by admin | Sunday, Oct 25, 2015

Muqdisho : HN :–hirka PSG3 ee looga hadlayo arrimaha Cadaalada iyo horumarka laga sameeyay oo bishii mar la qabto ayaa waxyaabaha ugu waa weyn ee tiirarka Hormarineed u ah ee barnaamijka Hiigsiga Cusub.

Kulanka ayaa waxaa uu gogol xaar u yahay shirka Hiigsiga cusub ee 27-ka bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas isugu imaanaya dowladda dhexe, Maamul goboleedyada iyo Hey’addaha deeq bixiyeyaasha

Mas’uuliyiinta shirkan ka qeyb gashay ayaa waxay ka kala socdeen Wasaaradaha Cadaaladda ee Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Ururada bulshada rayidka iyo Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

IMG_0605Shirkan ayaa waxaaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa nidaam wada sahqeyn oo hufan, kaasi oo horseed ka noqon kara natiijadda wax ku oolka ah, kala sareynta sharciga qaab ka wanaasan ee loo fulin karo iyo muhiimadda howlaha ay wadaan hay’adda cadaalada sida loo soo bandhigi karo.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda dowladda Soomaaliya oo shirkan halka maalin furay ayaa warbaahinta iyo ka qeybgalyaasha sharaxaad ka siiyay ahmiyada uu leeyahay shirkan, isagoo ka dhawaajiyay qorshe lagu horuminayo arrimaha cadaaladda dalka, kaasoo si hufan loogala shaqayno maamuladda haatan jira.

Shirkan ayaa waxaa gundhig u yahay sidii dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada haatan jira sidii, iyagoo mideysan waxyaabaha muhiimadda u leh Soomaaliya sidii deeq bixiyaasha ula tagi lahaayeen shirka New Deal ama hiigsiga cusub , PSG3 ee ka furmi doona 27-ka bishan magaaladda Muqdisho, kaasoo ay goobjoog ka yihiin deeq bixiyeyaasha.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!