Shir looga hadllayo hormarinta isgaarsiinta oo ka furmay magaalada Nairobi

by admin | Tuesday, Sep 23, 2014

Nairobi : HN :– Waxaa maalintii shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir looga hadllayo hormarinta sigaarsiinta dalka Soomaaliya, waxaana shirkaa ka qeyb-gallaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Shirka oo socon doona sidda la shegay mudo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-gallaya wasiirrka boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, Bankiga aduunka, kan hormarinta qaarada Africa iyo xubno ka tirsan mas’uuiyiinta shirkadaha Isgaariisnta Soomaalida.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta ee Soomaaliya, Maxamed Xaaji Aadan Ibraahim oo shirka ku matalaya dowladda Soomaaliya ayaaSHIRKA161 warbaahinta u sheegay in shirku yahay kii labaad ee looga hadlayo horumarinta isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu qabto Nayroobi iyadoo xiligaan ay Dowlada Soomaliya tahey mid aan ku meel gaar aheyn.

waxaa kale oo Wasiirka sheegay in bankiga adduunka iyo kan horumarinta Afrika ay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan sidii ay u horumarin lahayd isgaarsiinteeda hada jira oo la sheego in ay tahey xiligaan kuwa ugu wanaagsan inta badan qaarada Afrika.

Shirkamn ayaa waxaa ii yahey markii labaad ee Kenya looga shirayo horumarinta isgaarsiinta Soomaaliya, waxaana shirkii kan ka horreeyey lagu qabtay Nayroobi, bishii May ee isla sannadkan, 2014-ka.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!