Shir looga hadllayo hormarinta waxbarahada oo maanta ka furmay Muqdisho

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa maanta magaalad Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir looga hadllayo hormarinta waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.

Shirka  inta uu socda arrimaha kale ee looga hadlayo waxaa ka mid ah,isdhexgalka bulshada, dib-u-heshiisiinta, dastuurka iyo horumarinta nidaamka Federaalka, kaasi oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo xubno kale oo hay’adda EKSO ka socday.

Shirkan waxaa dahfuray ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed iyo xubno ka mid ah labada gole ee dowlada Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa si wada jir ah isaga kaashanaya Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare iyo hay’ad Jaamacadda carabta u qaabilsan xagga bar baarinta hidaha iyo tacliinta sare oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan “EKSO”,waxaana uu socon doonaa mudo Shan cisho ah.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad300x300xridwan-515x289-300x300.jpg.pagespeed.ic.2ZeDbdIgTb gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isla markaana waxyaabaha shirka ay qeyb ka qaadan karaan qorshaha ay dowladdu hiigsaneyso sanadka 2016-ka, isagoo xusay in shirka ay ka qeyb galeen quburo Soomaaliyeed iyo kuwa ka socda Jaamacadda Carabta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Hay’adda “EKSO” sida ay Wasaaraddu gacan uga siisay qabsoomidda shirkan muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Rdiwaan Xirsi Maxamed oo shirka furay ayaa xusay in shirka uu ka soo bixi doono talooyin wax ku ool ah, isagoo ku booriyay in ay talooyin dhaxal gal ah ka soo saaraan shirka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah waxay ugu jirtaa sidii sanadka 2016-ka lagu gaari lahaa hamiga Dowlada oo ah in Doorasho xor iyo xalaal dalka ay ka dhacdo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!