Shir madaxeedkii IGAD oo ka soconaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

by admin | Friday, Nov 7, 2014

Addis Ababa :HN :-Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya shir madaxeedkii ay halkaa ku lahaayeen madaxda waddamada ku jira urur gobolleedka IGAD.

Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa qulqulotooyinka wali ka aloosan dalka koonfurta Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Ra’iisal wsaaraha Itoobiya  Haile Mariam Desieling  oo shalay galab shirka furay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu shirkaasi mira dhaliSadax doono.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa xusay in shirkani ay ka faa’iidaysan doonaan fursad buuxdana uu u yahay soo afjaridda colaadaha iyo dhinacyada ku dagaalamaya koonfurta Suudaan heshiis buuxana ay ka gaari doonaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shirka ay joogaan dhamaan dhinacyada ku dagaalamaya dalka Koofurta Sudan, waxaana la filayaa in shirka ay ka soo baxaan go’aano iyo heshiis lagu soo afjarayo colaada ka taagan dalka Koofurta Sudan.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!