Shirar is daba joog ah oo ka soconaya magaalada Beledweyne

by admin | Sunday, Apr 5, 2015

Beledweyne : HN :– Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si si daba joog ah u soo gaarayay wafuud kala duwan oo ka kala timid magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisa, waxaana ugu danbeeyay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay siyaasiga Cilmi Faarax Wabi.

Wafdiga gaaray magaalada iyo kuwii horayba u sii joogay ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo is daba joog ah la la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sidda odayaasha dhalinyarrada iyo haweenka, iyaga oo kala hadlayay ujeedada socdaalkooda, iyo la wadaago aragtida la xiriirta shirweynaha la fillayo in uu dhawaan ka furmo gobolka.

Siyaasiga Cilmi Faarax Wabi oo la hadllay Hiiraan Net xafiiska uu ku leeyahay Beledweyne ayaa sheegay in mudo dheer kadib farxad uDSC_5310 tahay in uu ku sugan yahay magaalada Beledweyne, isaga oo wadda -tashiga socda kala qeyb-qaadanaya bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

”Imaashaha aan halka timid anniga iyo wafdiga aan hogaaminayo ma’aha mid booqasho uun ku siman, laakiin waa mid ku saleysan in aan dadka la fariisano dhageysanno, ku biirinno wixii tallo iyo tusaalle ah, isla rog rogno siddii aynu uga qeyb-qaadan leyn duufaanta siyaasadeed ee hadda ka ka jirta dalka, loo gali lahaa dib-u-hishiisiin leyku colool xaarayo ayuu yiri” Cilmi Faarax Wabi.

Maalmaha soo socda waxaa lagu waddaa in ay soo gaaraan magaalada Beledweyne wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda gobolka, kuwaa oo ka qeyb-qaadan doono shirweynaha ka  furmaya magaalada Beledweyne.

Xubnaha ilaa iyo hadda ku sugan magaalada Beledweyne, waxaa ka mid ah Porf Axmed Muumin Warfaa, xildhibaan Daahir Xassan Cabdi, Cilmi Faarax Wabi, Yuusuf Xeroow, iyo rag kale oo qurbo joog ah oo uu ka mid yahay Max’ed Keynaan oo ah nin dhalinyarro ah oo siweyn ugu fir fircoon arrimaha gobolka.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!