Shirka Copenhagen oo laga dareemay saameynta khilaafka madaxda sare ee dalka

by admin | Wednesday, Nov 19, 2014

Copenhagen : HN :– Inkastoo madaxweynaha dowlaadda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud uu shir guddoominayo shirka ka soconaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, kaasoo looga hadllayo xaalada dalka Soomaaliya iyo qorshaha Hiigsiga cusub, ayaa haddana dhinaca kale waxaa shirka laga dareemayaa saameynta khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dalka.

Ururka Midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD ayaa soo jeediyay in khilaafka lagu xalliyo hab dastuuri ah, loona ogolaado in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu ay ku kala baxaan shuruucda dalkooda u taalla.

Midowga Afrika iyo IGAD oo ay u hadleen wasiirrada arrimaha dibadda Itoobiya & Kenya ayaa shirka ka sheegay inay kulan hordhac ah oo ay yeesheen intii uusan shirku furmin ay iskula garteen in xallinta khilaafka siyaasadeed ee Somalia loo daayo Soomaalida, laguna xalliyo sida ay qabaan shuruucda dalka u yaalla sida dastuurka.

Wakiilada iyo saraakiisha beesha caalamla ee ka kala socday caalamka ayaa iyaguna arrintaas ka soo horjeestay iyagoo soo jeediyay inshirka Copenhagen madaxda dowladda Somalia ay wada-shaqeeyaan si ujeeddooyinka la doonayo in Somalia la gaarsiiyo 2016-ka ay u suuro-galaan, iyadoo xusay inay fikirkaas ay la qabto dowladda Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda UK oo isna u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay inay EU-du ay ku talinayso in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul waasare C/weli Sh. Axmed ay sii wada-shaqeeyaan muddada u harsan dowladda, si loo xaqiijiyo in doorasho la gaarsiiyo dalka.

Kala aragti duwanaantan ayaa gellinkii dambe ee maanta saameyn xooggan ku yeelatay shirka, iyadoo dhinac walba uu ku adkeysanayo go’aankiisa, sida ay soo sheegayaan ilo wareedyo ku sugan xarunta uu shirku ka dhacayo ee Denmark.

Dhanka kale, xubnihii beesha caalamka ee shirka ka hadlay ayaa isku raacay in dowladda Somalia aysan qaban waxyaabihii laga filayay intii ay jirtay, iyagoo ka dalbaday dowladda inay waxqabad muuqda la timaaddo, dalkana ay gaarsiiso doorasho.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Maman S. Sadikou oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dowladda Somalia ay ku fashilantay inay wax ka qabato howlaihii laga sugayay, balse ay iyagu diyaar u yihiin inay ka taageeraan dagaallada ay kula jirto Al-shabaab si dalka xasillooni loogu soo celiyo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo isaguna hadal ka jeediyay shirka ayaa ergooyinkii Beesha Caalamka u sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad khatar ah ayna tahay in calaamku uu caawiyo, si Hiigsiga Cusub looga miro-dhaliyo.

Shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya oo maanta furmay ayaa socon doona illaa berri oo Khamiis ah, iyadoo shirkan intiisa badan looga hadlayo amniga, dib u dhiska dalka iyo fulinta qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!