Shirka Copenhagen oo lagu waddo in maanta la soo gabagabeeyo

by admin | Thursday, Nov 20, 2014

Copenhagen : HN :– Waxaa maanta ku eg oo la soo gabagabeynayaa shirka looga hadllayo arrimaha Soomaaliya ee ka soconaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Shirka oo wajigiisii koowaad shalay ka furmay dalkaasi waxaa looga hadlay waxqabadkii qorshaha New Deal-ka mudada halka sano ee Soomaaliya iyo waliba xaaladda siyaasadeed ee iminka dalka ka taagan.

Wajiga labaad oo maanta ah ayaa looga hadlayaa sidii beesha caalamka iyo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya u sii kordhin lahaayeen tageerada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo qeyb ka ahaa shir guddoonka shirka ayaa shalay halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo ka hadleysashishiar xaaladda dalka iyo qorshayaasha horumarineed ee dowlada.

Mas’uuliyiinta dowlada iyo madaxda kale ee ka qeyb-galeysa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay sida uu shirka u socda iyo waxyaabaha mira dhalka ah ee ka soo bixi kara.

Wakiilka gaarka ee urur gobolleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo wasiirka arimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mira dhalka shirka uu yahay mid wanaagsan.

Ugu dambeyn,beesha caalamka ayaa ka walaacsan xaalada cakiran ee dhanka siyaasada ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaalia.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!