Shirka gollaha wasiirrada oo maanta lagu magacaabay safiiro cusub

by admin | Thursday, Apr 2, 2015

Muqdisho : HN :–Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga yeeshay ayaa kaga hadlay qodobo dhowr ah, iyagoo meel mariyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada, shir dheer ku lahaa Madaxtooyada ayaa meel mariyay.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominayay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid waxaa laga aqriyay soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ah magacaabis Safiiro, Qunsulo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko xilka laga qaaday, kaasoogolaha-wasiirada-620x264 lagu bedelay nin lagu magacaabo Jamaal Hassan oo horay ula soo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid xilligii uu ahaa Safiirka Mareykanka.

Sidoo kale Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Jamaal Maxamed Barrow oo loo magacaabay Safiirka Koofur Afrika, Faadumo Cabdulaahi Insaaniya ayaa loo magacaabay Safiirka Qaramada Midoobey xarunteeda New York.

Waxaa kaloo la magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo horay u soo noqday wasiirkii Warfaafinta, waxaa loo magacaabay Safiirka Sacuudiga.

Safiirada la magacaabay waxaa ka mid ah Khadiijo oo loo magacaabay dalka Ciraaq oo horay dowladda Soomaaliya wakiil ugu aheyd halkaas.

Ugu dambeyn, golaha wasiirrada ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saaka Jaamacadda Gaarisa, kaasoo ay ku dhinteen arday wax-ka-baranayay jaamacaddas, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 60-qof.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!