Shirka hiigsiga 2016ka oo saakay ka furmay dalka Jabuuti

by wadani | Saturday, Dec 12, 2015

Djabuuti : HN :–Waxa maanta si rasmi ah uga furmay magaalo madaxda dalka Jabuuti shir looga hadlayo hiigsiga 2016ka iyo qaabka ugu haboon ee doorasho uga dhici karto Soomaliya, kaa oo lagu wadday in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Ergada ka qeyb geleysa shirkan ka furmaya Jabuuti ayaa soo bandhigi doona qodobo la doonayo in la si waafajiyo oo IMG_0438-420x210ku aadan nooca doorashooyinka ee Soomaaliya ka dhici kara sanadka 2016 iyo mustaqbalka Siyaasada.

Waxyaabaha laga doodi doono waxaa ka mid ah Baarlamaanka iyo qaabka uu noqon doono, waxaana la filayaa qodobada laga soo saari doono shirkan ayaa lagu soo bandhigo shirarka wada-tashi ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho oo ay isugu imaan lahaayeen Madaxda dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, beesha Caalamka iyo ururada bulshada.

Ugu danbeyntii, shirka maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho ayaa lagu waday in lagu soo bandhigo natiijooyinkii laga soo saaray shirarkii wada-tashi ee gobolada ka dhacay iyo fikrad uruurintii laga sameeyay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!