Shirka Iskaashiga India iyo Africa oo goor dhaw ka furmay magaalada New Delhi

by admin | Thursday, Oct 29, 2015

New Delhi : HN :–Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay magaalada New Delhi shirka iskaashiga Hidiya iyo Africa, waxaana shirkaa ka qeyb-gallaya inta badan madaxda qaarada Africa.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa soo dhoweeyay Madaxda Afrika, iyadoo shirka u dhaxeeya Hindiya iyo Afrika uu yahay shirkii saddexaad ee labada dhinac dhex maro.

Dhinaca Soomaaliya, waxaa shirka uga qeyb-gallaya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi uuIndia-Afrika-280x175 hogaaminayo, kuwaasoo maalinimadii shalay gaaray magaalada New Delhi.

Arrimaha ugu weyn ee shirka looga hadlayo waxaa ka mid ah sidii iskaashi u dhex mari lahaa Hindiya iyo Afrika, sida maalgashi uu Hindiya ku sameeyo dalalka Afrika iyo waxyaabaha muhiimka ah ee Afrika soo saarto in dalkiisa loo soo dhoofiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye oo ka hadlayay muhiimada uu shirkan u leeyahay Soomaaliya ayuu xusay in si gaar ah uga wada hadli doonaan arrimaha kheyraadka iyo korontada sidii la isaga kaashan lahaa.

Hindiya ayaa ah dalalka saameynta ku leh Afrika, marka laga soo tago dalalka Shiinaha, Turkiga iyo Mareykanka oo maalgashi ku sameysanaya Afrika.

Hiiraan Net.

 
Like it? Share it!

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!