Shirka looga hadlayo xaquuq Insaanka oo ka furmay magaalada Muqdisho

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Muqdisho : HN :– Kulan looga hadlayay arimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Sii-hayahay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,Sii-hayaha wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya,Guddi ka socday golaha xuquuqul insaanka ee Bariga iyo Geeska Afrika ,Xubno ka socday Midowaga Yurub, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlaga Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ah iyo xeel dheeriyaal arimaha Xuquuqul Insaanka ka shaqeeya.

Shirka oo inta uu socday lagu soo bandhigay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo marxaladaha ay hada mareyso ayaa waxaa ugu horeyn ka hadashay Xaliima Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliimo Yareey’’ oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul insaanka Soomaaliya waxayna ka hadashay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Sii-hayaha wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay diyaarinayaan dejinta shuruuc lagu ilaaliyo xuquuqda Aadanaha.

Sii-hayaha wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali “Dhuxulow’’ ayaa ka hadlay muhiimada Soomaaliya u leedahay710 ilaalinta xuquuqul insaanka soomaaliya.

Reine Alapin Gonsou oo ah xubin ka tirsan golaha xuquuqul insaanka Afrika ayaa sheegtay in laga maarmaan ay tahay in dhamaan hay’daha u doooda xuquuqul insaanka Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in xaalada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ay liidato isagoo tusaale u soo qaatay xaaladaha ka jira xabsiyada dalka ku yaala gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay magaaladda Muqdisho ku qabtaan golaha difaacyaasha xuquuqul insaanka ee Bariga iya Geeska Afrika ,waxaana shirkan maalgelinayay Midowga Yurub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!