Shirka madasha -wadda-tashiga Qaran oo goor dhaw si rasmi ah u furmay

by wadani | Tuesday, Dec 8, 2015

Muqdisho : HN :–Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka Madasha wadatashiga Qaran , waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweynaha Xassan Sheekh ayaa goor dhaw khudbad ka jeedinayay furitaanka shirka, waxaana shirkan diiradaIMG_0438-420x210 lagu saari doona natiijada kasoo baxday kulamo wadatashi ah oo gobollada dalka ka dhacay.

Shirkan furmay ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doona aragtiyada Maamul goboleedyada ee ku aadan nuuca Doorasho ee dalka ka dhaceysa marka la gaaro Sanada 2006-ka, waxaana halkaasi lagu soo bandhigi doonaa aragtiyo laga kala aruuriyay shacabka ku dhaqan maamulada dalka ka jira.

Maamulada Puntiland iyo Jubbaland ayaa iyagu qaba in doorashada ka dhaceysa Dalka marka la gaaro sanada 2016-ka ay noqoto mid deegaan lagu soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka, halka Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyana qabaan in Xildhibaanada lagu soo xulo nidaamka 4.5.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!