Shirka madaxda Soomaalida oo ka furmay magaalada Garoowe

by admin | Thursday, Apr 30, 2015

Garoowe : HN :–Shir madaxda dowladda dhexe iyo hogaamiyaasha maamul gobolleedyada dalka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirka waxaa daah furay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo labadii cisho ee la soo dhaafayba ku sugnaa magaalada Garoowe, waxaana siddoo kale jooga oo ka qeyb-gallaya madaxweynaha Puntland ee martida loo yahay, hogaamiyayaasha maamulada Jubba iyo Koonfur galbeed Soomaaliya Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Shirkan waxaa uu ka furmay xarunta wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland,waxaana xilligan socda hadallo ay jeedinayaansksks madaxda sare ee dowladda oo u ugu horreeyo madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas.

Shirkan waxuu la mid noqonaya mid horay Muqdisho ugu dhexmaray hoggaamiyaasha shiraya,sida waxaa sheegay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya oo wariyaasha Garoowe kula hadlay.

Shirka maanta furmay waxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka Puntland,maaddama ay sugayaan madaxweynaha Soomaaliya inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan dhismaha mamaulka gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo deegaannada ka tirsan gobolka Mudug ee maamulka la raacin doono.

Wixii warara  ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa..

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!