Shirka midowgga Africa oo ka furmay maanta magaalada Addis Ababa

by admin | Friday, Jan 30, 2015

Addis Ababa : HN :– Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan inta badan madaxda Afrika, iyadoo shirka uu socon doono labo maalin.

Madaxda Afrika ayaa sanadkan ka doodaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin colaadaha Koofurta Sudan, arrinta Xagjirnimada oo ku sii kordheysa Qaarada, cudurka Ebola iyo la dagaalanka kooxda Boko Haram.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa la filayaa inuu ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo siyaasada Soomaaliya iyo horumaradii la gaaray.

Hogaamiyeyaasha Midowga Afrika ayaa taageero u raadinaya sidii ciidamo ka socda wadamada Galbeedka Afrika ay ula dagaalami lahaayeenshirka-midowga-afrika kooxda Boko Haram oo qatar ku ah ammaanka dalka Nigeria iyo dalalka deriska la ah.

Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa isla gartay in ciidamo ka socda shan dal oo ka tirsan Galbeedka Afrika ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Boko Haram.

Ciidamadan oo ka kala imaan doona dalalka Niger, Chad, Benin, Cameroon iyo Nigeria ayaa la filayaa inay si wada jir ah uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Boko Haram.

Tirada Ciidamada Gobolka ayaa la doonayaa in la gaarsiiyo ilaa 7.500 askari, iyadoo horay dowladda Chad ay ciidamo ugu dirtay dalka Cameroon, si ay uga caabiyaan kooxda Boko Haram oo horay weeraro uga geystay gudaha Cameroon.

Walaaca dalalka Afrika ayaa ah baahida Kooxda Boko Haram oo haatan qal qal ku heysa wadamo badan oo dhaca galbeedka Afrika, kadib markii ay kordhisay weerarada ay ka geysnaeyso dalka Nigeria.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!