Shirka wadda-tashiga hiigsiga 2016ka oo maalinta berri ah ka furmaya magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Sep 19, 2015

Muqdisho : HN :–Magaalada Muqdisho waxaa siweyn looga dareemayaa qaban-qaabada  shirka wada tashiga  hiigsiga siyaasadeeda Soomaaliya sanadka 2016, iyadoo shirkan uu furmayo 20-ka bishan oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah.

Todobaadkii hore ayeey aheyd markii madxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid kaga dhawaaqeen magaalada Kismaayo 20-ka bishan magaalada Muqdisho ka dhici doono shirka wada tashiga hanaanka doorasho iyo aayaha siyaasadeed ee Soomaaliya sanadka 2016.

Wafdi ay hogaaminayaan Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay201526635588044818486386Somalia_Leaders_in_Mogadishu_Somalia-300x206 uga qeyb galaan shirka wada tashiga ee doorashada sanadka 2016.

Waxaa siddoo kale lagu waddaa in ay soo gaaraan Muqdisho saacadaha soo socda wafdi ka socda beesha caalamka kuwaa oo qeyb ka noqon doona shirka.

Dowladda Federaalka ayaa qaadan doonta doorka hogaamineed ee shirka wada tashiga, waxaana la filayaa in laga qeyb geliyo qeybaha bulshada, sida aqoonyahanada, dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka.

Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa dhowaan si rasmi ah u cadeeyay in aysan doorasho qof iyo cod ka dhici karin Soomaaliya, iyadoo todobaadkii hore uu Baarlamaanka meel mariyay golaha wada tashiga Hiigsiga sanadka 2016.

Ugu danbeyntii shirka ayaa marka la soo gaba gabeeyo laga soo saarayaa Road Map ama khariirad qeexeysa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sanadka 2016.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!