Shirka wadda-tashiga Qaran oo goor dhaw la soo gabagabeynayo

by admin | Tuesday, Oct 20, 2015

Muqdisho : HN :–Shirka wadatashiga ah ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah loo soo gebagebeeyo, iyadoo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed.

Mas’uuliyiintii shalay ka hadashay shirka madasha wadatashiga ayaa muujisay sida ay ula dhacsanyihiin in in madaxda Soomaalidu ay ka tashadaan aayaha dalkooda iyo habka doorashooyinka sanadka 2016-ka.

320Madashan ayaa lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaareen madaxda dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka, waxaana kulankani ka qayb galaya madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada,  wasiirro, Xildhibaanno, beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada rayidka.

Ugu danbeyntii hanaanka wadda-tashi oo ay dusha ka maamuleyso Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa ka koobnaan doona wadatashiyo heerar kala duwan leh oo dhacaya bilaha October iyo November, waxaana barbar soconaya doodo ay yeelanayaan bulshada rayidka iyo hawlo dhinaca xiriirka iyo isgaarsiinta oo heer Qaran ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!