Shirka waddatashiga oo marxalad xasaasi ah maraya lana fillayo in la soo gabagabeeyo

by admin | Sunday, Sep 20, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo lagu waddo in saacadaha soo sacda la soo gabagabeeyo shirka wadda-tashiga siyaasada Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirka uu gallaya marxalad xasaas ah, waxaana muuqata qodobada qaar leysku diidan yahay.

Madaxda maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo dhowr jeer isaga baxay shirka, iyaga oo u arka dowladda federaalka iyo IB0A9646maamul gaar ah in ay meesha la soo shir tagaan ajande ay mar horeba soo diyaarsadeed oo ay doonayaan in ay marsiiyaan shirweynaha, gaar ahaan Puntland ayaa ku eedeeysay in sharciga ku xad-gudbeyso maadama shirka ay ka qeyb-gallayaan sidda madaxda Puntland hadalka u dhigeen maamul aan wax sharciyad ah heysan, gaar ahaan maamulka Galmudug oo ay siweyn Puntland uga biyo diidan tahay.

Maamulka Jubbaland mas’uuliyiinta shirka ka joogta ayaa warar laga helayo madaxtooyada sheegayaan in iyaguna ay mar isaga baxeen shirka, kaddib markii ay saluugeen qodobada la doodayo oo ay u arkeen in dhinacooda aysan wax dan ah ugu jirin.

Shirka ayaa wali ka soconaya xarunta madaxtooyada, waxaadna moodaa in madaxda shirka wadda joogta hadda leeyihiin kulamo guud guud iyo kuwo gaar ah, waxaana lagu wadaa in ilaa caawa la soo gabagabeeyo shirka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!