Shirkad Shiineys ah oo la sheegay inay macdan farabadan ka raraneyso gobolka Awdal

by Yahye | Wednesday, Dec 10, 2014

Borama: HN:- Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa dhawaan macdan raris ka billaabaysa deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Baki ee gobolka Awdal, Maxamed Axmed Caateeye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaddu ay maamulka Somaliland la saxiixatay heshiis ay ku raranayso 5 kun oo tan oo macdan kala duwan ah.

Caateeye ayaa tilmaamay in shirkaddu ay gobolka la timid qalab casri ah oo ay kusoo saaranayso macdanta ay ka raranayso gobolka Awdal, ayna adeegsan doonto dekedda magaalada Barbara.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor sii horraysay soo saartay wareegto mamnuucaysa in shirkado shesheeye ay heshiis ku saabsan shidaalka iyo macdanta dalka la galaan maamul-goboleedyada.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!