Shirkii dhismaha maamulka gobollada dhexe oo ka furmay Cadaado

by admin | Thursday, Apr 16, 2015

Muqdisho : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in goor dhaw oo maanta uu si rasmi ah halkaa uga furmay shirkii dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud oo labadii cisho ee u dambeeyay ku sugnaa Cadaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeyay uu shirka furan yahay, waxaana uuimages1 ka dalbaday Odayaasha in muddo labo todobaad gudahood ku soo dhameystiraan Ergada soo dooran laheyd Madaxweynaha.

Ergada ayaa la sheegayaa inay ka koobnaan doonaan ilaa 510 ergo oo laga soo kala xuli doono ilaa 11 qabaa’ilka dega gobollada dhexe.

Inkastoo shirka uu horu dhac ahaan furmay, hadana waxaa ka qeyb qaadanaya Odayaasha dhaqanka, kuwaasoo soo xuli doona Ergada dooran laheyd Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinka dambe la filayaa in uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, kadib markii uu labadii cisho ee la soo dhaafay uu ku sugnaa Cadaado.

Ammaanka xarunta uu shirka ka furmay ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ka hor inta aanu shirka furmin ka dhacay Cadaado banaan bax kooban, iyadoo rasaas ay ciidamada amniga kor ugu rideen dadkii isugu soo baxay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!