Shirkii dhismaha maamulka gobollada dhexe oo furmaya maalinta bari ah

by admin | Wednesday, Apr 15, 2015

Cadaado : HN :–Shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe oo maanta la filayay inuu ka furmo degmada Cadaado ayaa suuro-geli wayday; iyadoo lagu wado inuu maalinta berri furmo.

Mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ayaa weli ku adkeysanaya in caasimadda aanu xaq u lahayn madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh inuu ku dhawaaqo ayna tahay inay ka gaaraan go’aan ergooyinka ku shiraya Cadaado.

Sidoo kale, ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Key oo xubno uu ka mid yahay ergayga IGAD ee Somalia, miMaxamed Cabdi Afeey ayaa maanta tagay Cadaado si ay uga qaybqaataan xal u helidda khilaafka taagan.

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ee maanta gaaray degmada Cadaado ayaa kulammo la qaatay madaxweynaha Somalia iyo xubnaha kula sugan Cadaado ee dowladda ka socda iyo mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb, iyagoo kala hadlay khilaafka jira.

Inkastoo aan la sheegin go’aanka kasoo baxay kulamadan ayaa haddana Nicholas Kay iyo wafdigii la socday waxay gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabteen Muqdisho, kaddib markii furitaanka shirka uu baaqday.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa caawa habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadaado, isagoo isku dayaya inuu xal u helo is-mari-waaga weli taagan, si furitaanka shirka uusan dib uga dhicin maalinta berri ah.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulammada degmada Cadaado ku dhex-maraya madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiinta maamulka Cadaado, iyadoo kulammadan aan la isku af-garan ay socdeen tan iyo shalay oo uu madaxweynuhu gaaray degmadaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!