Shirkii dhismaha maamulka gobollada dhexe oo mar kale dib u dhac ku yimid

by admin | Saturday, Apr 11, 2015

Cadaado : HN :–Maanta oo ay taariikhdu beegan tahay 11 bisha Abriil, islamarkaana lagu wadday in uu magaalada Cadaado ka furmo shirka dhismaha mamaulka gobollada dhexe, ayaa waxaa jira dib u dhac mar kale ku yimid shirka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhawaan magaalada Dhuusa-mareeb uga dhawaaqay in shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe uu 11-ka bishan oo ku beegna maanta ka furmi doono Cadaado, balse uu dib u dhac ku yimid.

Degmada Cadaado ayaa waxaa ku qulqulaya ergooyin kala duwan oo ka mid ah kuwa shirka ka qaybgalaya, iyadoo lagu wado maantacadaado inuu gaaro halkaas wasiirka arrimaha gudah iyo federaalka Somalia, C/raxaam Odawaa.

Wararka hoose oo la helayo ayaa sheegaya in shirku uu furmi doono 13-ka bishan oo ku beegan Isniinta, inkastoo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb uu sheegay inay dib ka sheegi doonaan maalinta uu shirku furmayo.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa gaaray ciidammo AMSIOM ka socda AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya, kuwaasoo loogu talo-galay inay sugaan amniga degmadaas inta uu shirku socdo.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in shirka uu furmi doono, isla markaana Maamulkiisa uu qaadan doono doorka sugida amniga, waxaana uu xusay in ergooyinka ay soo gaarayaan magaalada.

Diyaar-garowga loogu jiro shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee dalka ayaa la sheegay inuu meel sare marayo; iyadoo maamulka halkaas ka jir uu diiday in madaxwey-nuhu uu ku dhawaaqo caasimadda maamulka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!