SHIRKII GAROOWE FASHILAAD IYO GUUL DARRO.‏ WQ. Xassan Carab

by admin | Monday, Dec 26, 2011

Mahad oo dhan Allah ayaa iska leh-Naxariis iyo Nabadgelyo Suubane Rasuulkeena(Muxamed CSW)korkiisa,Ayaan darro joogto ah fashilaada shirarka Somaaliyeed waana arrin mar walba dhaawc ku ah qaranimada iyo ka bixida xaaladaha murugadooda leh intii mudo ah ka taaganaa dalka sababay khasaare iyo dhaawacyo iyo mida ugu daran colaada,kala fogaanta iyo kala yaaca ummadeed iyo farag-gelinta shisheeya oo xiligan gaaray halka ugu sareeyeey oo gacantaba ku dhigay qeybo dalka ka mid ah,halka kuwa Masuuliinta Sheeganaaya heer qaran ama heer goboleedba dantoodu noqotay hoos joogida dowladaha deriska(Is-dhiibidda Gun-nimadda ku saleeysan).

Hadaba waxaa fashilaadii iyo guul darooyinkii hore ku soo biray shirkii Garoowe Cinwaankiisu ahaa wada tashiga oo tixraac u ahaa labadii hore-midkii Caasimadda Muqdisho iyo kii hore Neyroobi oo intuba ahaa qorshihii iyo taladda Ninka Wakiil u ah Xoghayaha Guud UN-ta(Caqli iyo Dadnimo Xume-Mahiiga)oo guud ahaanba ku saleeyeey howlihiisa curyaamiinta dowladnimadda somaaliyeed kana helaayo hab taakulo iyo taageero joogto ah qaar ka mid ah Madaxda sare GKM iyo Hogaanka Maamul Gobeedka P/Land waana howlo ka turjumaaya damaca shakhsiga ah iyo Illaaliga awoodeed oo eey keeneeyso kalsooni daro ka heysa dhanka bulshadda eey Madax u yihiin,shaki kuma jiro in aqlabiyadda dadka somaaliyeed wada ogaayeen in shirkaasu ku dameyn doono fashilaad,waayo shirku asal ahaan ma aha aragti iyo tallo somaaliyeed midna,mana jiraan wax qaban qaabo ah oo loo galay,balse waa mid u yeeriin ah iyo howlaha qorsheeysan oo dhibaateynta somaaliyeed uuna waddo Daayeer Mahiiga oo gacanta ku dhigay kuwo dareenka wadaniyadeed ku yar yahay isla markaan dareenkii dadnimona mar hore ka lumay(waana kuwo la wada yaqaan)

Waxaa wax laga xishooda ah qoraalka iyo qodoba saxaafadda loo qeybiyeey laguna sheegay go’aamo dhaxal gal ah iyo qodobo ahamiyadooda leh waana kuwo horeba loo ogaa iyo kuwo riwaayad ah oo aan la hubiin in eey hirgeli doonaan laakiin liiska lagu buuxsanaayo(Ceeb)kartida,dadnimadda iyo masuuliyada ayaa qofka siisa in uu qirro fashilaada iyo guud ahaanba wixii khaldan,caqli-xumaduna been sheegid iyo waxaan jirin buun-buuniinteeda waana sida war-murtiyeedka shirkii Garoowe(Shir khasaaro), hadaba xaqiiqada ayaa ah inta qorshaha Mahiiga iyo raxantiisu soconeeyso dalku kama baxaayo dhibaatadda,dib u dhac iyo colaadaba,balse waxaaba la sii muquuran doonaa waayo murugo weyn leh iyo xili gumeeysi cusub sida hada qorshuhu yahay (Koonfurta Kenya, Goboladda Dhexe Itoobiya,Halka S/Land iyo P/Land awalba hoos joogayaal u ahaayeen Dowlada Itoobiya)ayaan darro iyo waayo walaacooda leh,lumidda qaranimadu arrin xanuun weyn leh wuuna dareemi karaayo wadaniga daacadda oo dalkiisa jeceyl iyo midka damiirka nool dadnimaduna ku dameeyso. Shirka Garoowe fashilaad cusub iyo soo saarida waxyaabo caqligu diideey(Been been ama Maaweelo Caruureed)waana xeelad ka mid ah qorshayaasha Mahiiga iyo raxantiisa oo diyaar u ah fulinta amarkiisa, su’aashuna waa maxaa la gudboon ummadda Somaaliyeed?Danteenu ma shilimadda yar ee Jeebabka loo gelinaayo raxantaas caqligoodu noqday miirashadda dhiiga dadkooda iyo iibsashadda dalkooda hooyo(Reer Mahiiga).

-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.
-DEC-25-2011.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!