Shirkii hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga oo maanta Muqdisho ka furmaya

by wadani | Wednesday, Dec 7, 2016

Muqdisho : HN :-Maata ayaa lagu waddaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkii madasha-wadda-tashiga hogaamiyayaasha Soomaalida, waxaana shirka diirada lagu saaro doonaa geedi socodka qorshaha doorashooyinka Soomaaliya.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan dhamaanba madaxda Qaranka iyo hogaamiyaasha maamul Goboleedyada ayaa muhiimada laga leeyahay waxay tahay in la xaqiijiyo in doorashada mar kale dib aysan u dhicin.

Waxaa casbi badan ay ka taagan in doorashada ay gaartay sanadka cusub ee 2017-ka oo maalmo kaliya ay ka harsan yihiin.

Sidoo kale inta uu shirka socdo waxaa lagu eegaa tabashooyinka ka jira doorashada xubnaha aqalka hoose iyo midka sare oo qaarkood maamul goboleedyada ay soo dhameystireen halka kuwo kale ay harsan yihiin.

Ugu dabeyntii, ammniga ayaa aad loo adkeeyay,waxaana xiran wadooyin u ahaa marida gaadiidka iyo dadweynaha.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!