Shirkii madasha-wadda-tashiga oo Muqdisho ka furmay [Sawiro]

by wadani | Wednesday, Dec 7, 2016

Muqdisho :HN : -Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow si rasmi ah u furay shirka Madasha Wada-tashiga Qaran, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Guddiga doorashooyinka heer federaal.

Shirkan oo maalin ka hor uu iclaamiyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa looga arrinsanayaa horumaradii laga sameeyay hanaanka doorashooyinka, cabashooyinka laga keenay deegaanada doorashada ka dhaceen iyo tabashada Puntland ee doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, Ra’iisul wasaare kuxigeenka, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Avv. Cumar Dhagey ayaa kulanka looga dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka ka dhacay xarumaha maamul goboleedyada, cabashooyin laga keenay meelaha qaar ee doorashada ka dhaceen iyo xaqiijinta qoondada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa ku bogaadiyay Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, dhameystirka doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose, isagoo maamulada kale ugu baaqay inay dhameystiraan.

Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa canaan u jeediyay Madaxda Madasha, sida ay ugu gaabiyeen Hirgelinta Hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2016 oo aheyd in sanadkan gudaheed la qabto doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo saddex jeer dib u dhac ku yimid.

Gaba gabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed, waxaana la ogeyn inta maalin uu soconayo shirkan.

madasha1 madasha2 madasha4 madasha5 madasha6 madasha

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!