Shirkii madasha wadda-tashiga Qaran iyo hiisiga 2016 oo la soo gabagabeeyay

by admin | Tuesday, Oct 20, 2015

Muqdisho : HN :–Shirkii Madasha Wada tashiga qaran ee looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadka 2016 oo shalay iyo Maanta ka socday Magaalada Muqdisho ayaa maanta ayaa goor dhow la soo gabagabeeyey iyadoo war murtiyeed laga soo saaray.

Shirkan intii uu socday ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda Maamulada gobolada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Wasiiro ka socday dowlad goboleedyada, qeybaha bulshada iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

514Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa akhriyay war murtiyeed ka soo baxay shirka wada tashiga, kaasoo ka koobnaa illaa 10 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin hanaanka loo galayo geedi socodka doorashooyinka 2016 nooca iyo habka lagu xulanayo.

Ergada Madasha wada tashiga qaran ayaa waxay isku raaceen hab raaca howl fulineed oo tilmaamaya hanaanka uu wada tashiga u dhacayo iyo soo jeedimaha kala duwan ee doorashooyinka ku dhici karaan sanadka 2016.

Waxyaabaha laysla qaatay ayaa waxaa kamid ah inaysan dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah,in wada tashiyo dheeri ah qaybaha bulshada lala yeesho,in kulamada wada tashiga ah ay ka dhacaan deenada Maamul Gobaleedyada,waxaa kaloo la tilmaamay in wada tashiyada ay qeyb ka noqdaan qurba-joogta Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo in la maqli codka dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

Kulanka wada tashiga midka xiga ayaa waxaa la qaban doonaa todobaadka labaad ee bisha December, iyadoo lagu soo bandhigi doono talooyinka laga soo uruuriyay bulshada ku nool deegaanada gobolada dalka, si loo qaato qaabka ugu wanaagsan ee doorashooyinka sanadka 2016 u dhacayaan.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!