Shirkii madaxda Africa oo si rasmi ah uga furmay dalka K/Africa

by admin | Sunday, Jun 14, 2015

Johannesburg : HN :–Madaxda midowgga Africa ayaa yeelanaya shirka 25-aad,kaaso lugu qabanayo magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika oo shirka marti-galisay,waxaana looga hadlaya arrimo la xiriirada gobolka.

Madaxdu arrimaha xasaasiga ah ee ay shirkooda uga hadlayaan waxaa ka mid ah Boko Haram oo qatar ku heysa wadamo badan oo ku yaalla galbeedka Afrika, qatarta al-Shabaab ee dalalka geeska Afrika, qalalaasaha siyaasadeed ee Burundi iyo xaaladda murugsan ee Koofurta Sudan.

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Nigeria Mohammadu Buhari ayaa shir guddoomin doona shirka golaha ammaanka iyomadaxmidow Nabadgelyada Midowga Afrika, kaasoo lagu falanqeyn doono arrimaha ammaanka qaarada.

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna ka mid ah madaxda shirka ka qayb-galaysa,kaaso xalay gaaray Johannesburg ee dalka Koofur Afrika ee uu shirka ka furmayo.

Dalka Koonfur Afrika oo shirka marti-galinaya waxaa dhawaan ka dhacay rabshado la xiriira ajnabi naceyb, waxaana horay u cambaareeyay wadamada Zimbabwe, Mozambique, Malawi, Nigeria iyo Itoobiya.

Ugu dambeyn,shirka Madaxda Afrika ayaa halku dhigiisu yahay “sanadka xoojinta iyo horumarinta Haweenka”, iyadoo ay jiraan qodobo xasaasi ah oo ay Madaxdu diiradda ku saari doonaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!