Shirkii magaalada Gaalkacyo ee wakiilka QM iyo maamulada Galmudug iyo Puntland oo soo dhamaaday

by wadani | Tuesday, Nov 15, 2016

Gaalkacyo : HN :-Waxaa Goordhow kusoo dhamaaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo kulan nabadeedkii Galmudug iyo Puntland, waxaana kulankaan joogay madaxda labada maamul, beesha caalamka, dowlada Soomaaliya iyo odayaasha labada qeyb.

Heshiis hordhac ah oo la gaaray ayaa dhigaya in la joojiyo dagaalka isla markaana Puntland iyo Galmudug ay qaataan nabada.

Waxaa la filayaa in goor-dhow la soo saaro bayaan muujinaya heshiiska ay labada dhinac wada gaareen.

Collaadan magalada Gaalkacyo ayaa wali u muuqata mid aan xal waara laga gaarin, inkastoo labada maamul ay wadda saxiixdeen hishiis xabad joojin ah.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!