Shirkii qurba joogta Soomaalida oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kigali

by admin | Friday, Jan 16, 2015

Kigali : HN :–Shirka kaalinta qurbajoogta Soomaalida ay ka geysan karaan dib-u-dhiska iyo dib-u-heshisiinta dalka oo afartii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aaddan kaalinta qurbajoogta ay ka geysan karaan dib-u-dhiska2015112635566383603032505DSC_3546 dalka iyo sida ay ugu qeyb qaadan karaan dhiirragelinta nabadda.

Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Waaxda Qurbajoogta ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ku dhawaad 100 qof oo Soomaali qurbajoog ah oo ka kala yimid dalal kala duwan ayaa ka qeybgalaya shirka.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maman S. Sidikou oo Isniinatii ka hadllay furitaankii shirka ayaa sheegay in la doonayo inay qurbajoogta Soomaalida ah isku waydaarsadaan aragtiyadooda ku aaddan sidii ay u samatabixin lahaayeen dalkooda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!